Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dawladaha Soomaliya Iyo Itoobiya oo Kuwada Hadlaya Turkiga iyo waxa la isku diidanyahay

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadad & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u safray Dalka Turkiga si ay ugu qaybgalaan wadahadalka Ankara ay garwadeynka ka tahay ee Itoobiya ay la yeelanayaan.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga ay wadahal dhex-dhigayso wufuudda kala metalaysa Xukuumadaha Muqdisho & Addis Ababa.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxaa lasii raaciyay: “Dowladda Soomaaliya waxay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Cilaaqaadka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya ayaa hoos usii dhacayay wixii ka dambeeyay 1dii Janaayo 2024 kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay shaacisay heshiis beenaad ay la gashay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan Heshiis uu aqbalay Baarlamaanka 11aad la gashay Dowladda Turkiga waana Difaaca Badda iyo in ay tababarto ciidanka Qaranka ee mustaqbalka la wareegaya mas’uuliyadda ilaalinta baddooda.

Abiy Ahmed waxaa koray culays xooggan oo uga yimid Gudaha & Dibadda waxaana garabkiisa ka baxay Dalalka ugu firfircoon Qaramada Midoobay oo si bareer ah u sheegay in ay garab taagan yihiin Midnimada, wadajirka & Madaxbannaanida Soomaaliya.