Xasan Sheekh Oo Fadeexad Ay Ku Noqotay Lacag Uu Arday Ku Gudoonsiiyay Villa Soomaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxauud ayaa xalay bixiyay abaal-marino lacag ah, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Villa Somalia, taasi oo ay ka dhalatay fadeexad si weyn loo hadal hayo.

Abaal-marinadan uu xalay bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu maamusay Tartameyaasha Qu’raanka Kariimka ah, iyada oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Inkasta oo tallaabada uu qaaday madaxweynaha ay tahay mid bogaadin mudan, haddana waxaa su’aallo dul hoganayaan hanaanka bixinta abaal-marinta, ayada oo la arkayay in ardayda labada kaalin ee ugu dambeeyay gashay aysan is lahayn lacagta la siiyay iyo cadadka qoraalka ku qoran boorka ay ku qorneyd abaal-marinta

Ardeyda kaalmaha 6-aad iyo 7-aad galay ayaa waxaa qoraal ku qoran boorka oo ah shan kun doolar, balse la siiyay saddex kun iyo laba kun doollarka Mareykanka.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan, ayada oo dadweynaha waydiimo ka keeneen ay kamid tahay in musuq-maasuq uu jiro ama in uu qalad dhacay, iyaga oo dalbanaya sharaxaad dheeri ah, si ay meesha uga baxdo tuhunkan xooggan ee taagan. Hoos ka aqriso fal-celinta qaar kamid ah;

Axmed Maxamed Cusmaan: “Five thousand iyo waxa meesha ku qoran isma lahee.”

Cabdirisaaq Ikhyaar: “Fudayd iyo wax iska hubin la’aanta dowladdan ayey tani caddeyn u tahay.”

“Ma aqaano qalad aqoon yari inay tahay ama musuq, war sidan dal laguma hogaamiyee wax ha laga beddelo,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamuud Siciid Ciid: “Lacagta qoraalka ah iyo tan lambarka isma leh see wax u jiraan!.”

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan oo u muuqata inay ku dhacday qalad ay sameeyeen kooxda howshaan ugu xil saarneyd madaxweynaha ayaa waxay fadeexad ku tahay Madaxtooyadda Qaranka oo xalay ay ka dhacday arrinta noocaan ah, islamarkaana uu madaxweynaha kala soo muuqday.