Muxuu yahay mowqifka DF ee kiiska badda kadib wada-hadalladii ka dhacay Turkey?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeeysa dalalka Soomaaliya & Itoobiya.

Xamza oo soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay Turkiga ee fashilmay ayaa sheegay inay markii hore ay ku yimaadeen dalab ay Itoobiya soo marsiisay Turkiga, balse aanay wax shaqo ku laheyn Soomaaliya oo uu sheegay inay ka go’an tahay difaaca baddeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay in dowladda federaalka aanay marnaba wax gorgortan ka geli doonin kiiska badda, illaa ay ka laabato Itoobiya.

“Dowladda Soomaaliya marna ma aqbaleyso horayna waa u sheegnay taako kamid ah dhulka Soomaaliya in lagu soo xadgdubo” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale Xamza Cabdii Barre ayaa aad ugu bogaadiyay shacabka gobollada waqooyi sida ay uga horyimaadeen heshiiskaas, gaar ahaa damaca badda ee Itoobiya.

“Shacabka gobolada Waqooyi waan ku amaanayaa sida ay iskaga diideen damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah baddeena” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, waxaana natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-hadal ay labada dal ku yeesheen magaalada Ankara, balse waxaa lagu balamay in la’isugu yimaado kulamo kale.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay weli fulintiisa ku adkeysanayaan xukuumadaha Hargeysa iyo Addis Ababa.