Xasan oo sheegay in aysan muuqan ifafaalo Itoobiya uga laabaneyso heshiiska badda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wada-hadalladii maalmo kahor lagu kala kacay ee ka dhacay Ankara ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland

Xasan ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay iyadu dalbatay in Turkiga oo saaaxiib dhow la’ah Soomaaliya uu dhex-dhexaadiyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay illaa hadda qaadin tallaabo muujinaysa in heshiiskaasi is-afgarad ay ka laabaneyso, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in heshiiskaasi loogu rogo mid rasmi ah, sida ay dhawaan sheegeen madaxda Somaliland.

“Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in Itoobiya ay ka soo laabanayaan waddadaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ergada Itoobiya iyo Soomaaliya aysan wada-hadal toos ah yeelan, balse Turkiga uu dhex-dhexaad ka yahay, uuna dhinacyada u kala dab-qaaday.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya kadib markii uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulankii Ankara ee dowladda Turkiga ugu kala dab-qaadeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii ay labada dhinac isku fahmi waayeen wada-hadalka.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa markale la isugu soo laaban doona bisha September ee sanadkaan, taasi oo Turkiga uu sheegay inay isku raaceen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaystay in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee sida sharci-darrada ah ay Itoobiya ula saxiixatay Somaliland, taas oo sida muuqata ka cago jiiday xukuumadda Addis Ababa.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland.

Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada-hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.