Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo beel oo kala dega Galmudug iyo Puntland oo socda

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Beelaha Sacad iyo Leelkase oo kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saakay ka socda deegaanno katirsan gobolka Mudug oo muddooyinkii lasoo dhaafay isku hor fadhiyeen labada dhinac .

Sida aan wararka ku heleyno dagaal xooggan oo u dhaxeeya labada beel ayaa saakay aroortii ka qaraxy deegaanno miyiga gobolka Mudug kuyaalla, dagaalka ayaana la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan.

Waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana aagga dagaalka ka socdo gaaraya ciidamo gurmad ah oo labada dhinac kala gaaraya.

Dagaalka u dhaxeeya labada beel ee dagaalka saakay u dhaxeeyo ayaa marar badan soo noq noqday, waxaana fashilmay heshiisyo dhowr ah iyo xalal horey looga gaaray colaada labada beel u dhaxeeya.