Ruushka Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Lagu Aqoonsanayo Dawladnimada Falastiin

Wakiilka joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Moscow ay ugu baaqayso dhammaan xubnaha golaha ammaanka inay u codeeyaan in la taageero qaraarka lagu aqbalayo Falastiin inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.

Falastiin ayaa olole balaadhan ugu jirta in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay taasi oo ka dhigan in dawlad madax bannaan loo aqoonsado Falastiin.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa si adag uga soo horjeeda Xubinimada Falastiin ee Qaramada Midoobay iyaga oo taasi ku taageraya Israalll.