Wadanka African ah oo Maydadka Xabaalaha Lagala Baxayo Si Looga Sameeyo Daroogo Maandooriye ah Hadhaaga maydka

Madaxweynaha dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo la xiriirta isticmaalka daroogada dalkaasi oo aad u batay.

Kush, oo ah waxyaabo la’isku farsameeyay isla markaana ah sidoo kale waxyaabo la qabatimo, ayaa dalka ku baahday sanado badan.

Madaxweyne Julius Maada Bio ayaa dawadan ku tilmaamay “dabin dhimasho” wuxuuna sheegay inay keentay “dhibaato jirta”.

Mid ka mid ah maaddooyinka faraha badan ee ay ka kooban tahay dawadan ayaa ah lafaha bini’aadamka, taasina waxa ay sababtay in aad loo adkeeyo ammaanka xabaalaha si looga hortago dadka balwadda leh ee qodaya qabuuraha isla markaana qaadanaya qalfoofka qofka dhintay.

Waxaa inta badan la arkaa kooxo dhallinyaro u badan oo fadhiya hareeraha waddooyinka oo ay luguhu bararsan yihiin, isla markaana ay ka muuqdaan saameynta daroogada loo yaqaanno Kush taas oo arrin caadi ah ka noqotay dalka Sierra Leone.

Isagoo faashad ay uga dheggan tahay lugta qaybteeda hoose ee anqawga, mid ka mid ah kuwa isticmaala balwaddan balse haatan ka soo kabanaya ayaa BBC-da waxaa uu u sheegay in daroogadu ay si adag u qabatay isaga.

“Ma jecli inaan tan sameeyo, laakiin kama tagi karo sababtoo ah waan ku raaxeeystaa,” ayuu yiri.

 

Ma jirto tiro rasmi ah oo dhimasho, balse mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa BBC-da u sheegay in “bilihii la soo dhaafay” ay boqollaal dhallinyaro ah u dhinteen hawlgabka xubinta taranka daroogada Kush awgeed caasimadda Freetown.

Daroogadan ayaa sidoo kale dhibaato ku ah caafimaadka dhimirka, Cisbitaalka dhimirka ee Sierra Leone, oo ah hay’adda kaliya ee nooceeda ah ee ka jirta dalkan, ayaa leh inta u dhaxaysa 2020-kii iyo 2023-kii, qaabilaadda waxay gaartay 1,865.

Kush

Kororka isticmaalka Kuushka ayaa keentay in maamulka xabaalaha ugu waaweyn ee Freetown ay booliska ka codsadaan ammaanka qabuuraha si ay isaga difaacaan ragga dhallinyarada ah ee qodaya lafaha bini’aadamka oo ah mid ka mid ah maaddooyinka badan ee loo isticmaalo samaynta daroogada Kush, inkastoo aan la garanayn sababta.

Madaxweyne Bio ayaa farriin dalka oo dhan lagu baahiyay habeenimadii Khamiista, waxa uu ku yiri, “Dalkeenna hadda waxaa soo food saaray khatar jirta oo ay ugu wacan tahay saameynta xun ee daroogada iyo isticmaalka mukhaadaraadka, gaar ahaan kuwa waxyeellada leh ee daroogada kush.”

Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan “dhimasho sii kordhaysa” oo ay la kulmeen isticmaalayaasha Kush.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray mas’uuliyiinta in ay dhisaan guddi heer qaran ah oo ka hortaga maandooriyaha, kuwaas oo marka hore diiradda saari doona “la-dagaalanka daroogada Kush”.

Waqtigan xaadirka ah, Freetown waxay hoy u tahay xarunta kaliya ee dhaqan celinta daroogada ee dalka ka shaqeysa.

Ku xigeenka duqa magaalada Freetown Kweku Lisk ayaa BBC-da u sheegay in xafiiskiisu uu ka codsaday booliska in ay sugaan ammaanka si wax looga qabto dadka qabuuraha qoda.

Xilligan, waxaa jira ciidamo boolis ah oo habeenkii la geeyo qubuuraha Kissy Road, oo ah goob weyn oo aan darbi lahayn oo ku taal duleedka bari.

Kush

Maamulka Mr Bio ayaa waxaa dhaleeceeyay dad sheegay in dowladda ay ka maqan tahay istaraatiijiyad iyo dadaal ay uga jawaabaan dhibaatooyinka Kush.

“Taas oo kale waa khasaaraha cad ee jira waana jawaab celin ku filan oo ay bulshooyinku inta badan ku qasbanaadeen inay sharciga gacmahooda ku qaataan,” ayuu yiri diblumaasi ajnabi ah oo ku sugan Sierra Leone.

Dr Abdul Jalloh, oo ah madaxa cisbitaalka dhimirka ee Sierra Leone, ayaa sheegay in ku dhawaaqida deg-degga ah ee Mr Bio ay tahay “tallaabada saxda ah” ayna noqon doonto ” mid muhiim u ah wax ka qabashada isticmaalka daroogada”.

“Waxay ka dhigan tahay mudnaanta koowaad, fiiro gaar ah iyo faragelinta lagula dagaallamayo arrintan sii kordheysa,” ayuu yiri.

Ilaa 63% bukaannada cusbitaalka hadda kujira waxaa loo seexiyay dhibaatooyin la xiriira Kush.

Marie, oo ah hooyo wiilkeeda oo 21 jir ah ku weyday Kush, ayaa tiri: “Waxaa jira wax badan oo ay tahay in maamulku sameeyo oo ka baxsan khudbadii madaxweynaha si loola dagaallamo aafadan.

source bbc