Arsenal oo Mar kale ku Ruqaansatay Hogaanka Premier league oo dhawaan laga Riixday

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee ay lumisay horraantii toddobaadkan markii ay barbarraha goolal la’aanta ah galeen Manchester City, waxaanay saddex dhibcood oo muhiim ah ka xoogtay Luton Town oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

Gool qurux badnaa oo uu Martin Odegaard ku furay ciyaarta iyo mid ay iska dhaliyeen difaaca Luton ayaa Arsenal siiyey guul sabab u noqotay inay hal dhaafaan Liverpool oo Khamiista ciyaari doonta, taas oo haddii ay guuleysato mar kale dib usoo ceshan doonta hoggaanka oo farqi laba dhibcood ah yeelan doonta.

Fans not happy with new feature being used by Premier League during Arsenal  vs Luton

Daqiiqaddii 24aad ayaa kubbad uu khadka dhexe kasoo jiiday Martin Odegaard waxa uu u dhiibay Kai Havertz oo ka horreeyey, waxaana uu laacibka reer Germany kubadda u celiyey Odegaard oo xerada ganaaxa lugaha la galay, kaas oo isaguna darbad xooggan ku toogtay goolka oo dhinaca midig ee goolhayaha ka sudhay shabaqa.

 

 

Arsenal oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa waxa ay samaysay fursado badan oo kale oo ay ka faa’iidayn waayeen weerarkeedu, hase yeeshee Luton ayaa iyaduna ku ciyaaraysay si baqasho la’aan ah gaar ahaan qaybta labaad oo ay culays badan saartay goolka Gunners.

Dhamaadka qaybta hore oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Arsenal sii dheeraysatay hoggaanka oo ay xaqiiqsatay inay guuleysanayso, markaas oo uu kubbad isku qabtay difaaca reer Japan ee Daiki Hashioka.

Waqtiga nasashada ayay labada kooxood u baxeen iyadoo Arsenal ay hoggaanka ku hayso 2-0, waxaana markii lasoo noqday firfircooni la timid Luton oo fursado badan samaysay laakiin ay kubbadaheedu ku lumayeen bannaanka xerada ganaaxa.

Eddie Nketiah oo beddel kusoo galay ayaa u dhowaaday inuu u dabbaal-dego kubbad uu ku toogtay goolka oo uu goolhayuhu dirqi ku leexiyey isla markaana u baxday koorne.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Arsenal ay yeelatay 78 dhibcood oo ay hoggaaminayso horyaalka Premier League, halka Liverpool ay leedahay 77 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta labaad.

Arsenal cruise to victory to top the Premier League, Brentford and Brighton  draw – latest reaction