Askari goor dhaw nin dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho xili afuro lagu mashquulsana

Askari Dowlada Somalia ka tirsan ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhaw afurkii soo dhaw yahay ku  toogtay nin dhalinyaro ah.

Dilka oo ka dhacay Degmada Dharkeenleey ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay goob ganacsi gaar ahaana Baalbayeeri ama halka timaha lagu jarto.

 

Askariga iyo ninka uu dilay waxaa la sheegay inay ku murmeen tin jarida iyadoo qofka shacabkaa la sheegay inuu ka soo horeeyay askariga sidaas daraadeedna askarigu dalbaday inuu hormaro.

Dadka deegaanka sida ay sheegayaan muran kadib askarigii wuxuu toogtay ninkii dhalinyarada ahaa isagoo sooman.

Allaha u naxariistee ninka la dilay meydkiisa ayaa lagu dul xiray goobtii time jaraha kadib markii ciidamadu yimaadeen.

Askarta ayaa meydka u qaaday markaaa kadib dhanka Hay’ada danbi baarista ee CID-da