Baanka Dhexe Ee Itoobiya Oo Hanjabaad Udiray Dadkii Lacagaha Ka Dhacay Markii Jaahwareerku ku dhacay Iyo Talaabo Uu Qaadayo

Bangiga Commercial Bank of Ethiopia ayaa dhawaan waxaa ku dhacay cilad sababtay in dad badan ay la baxaan lacago badan oo aysan laheyn, waxa ayna taasi dhalisay jahwareer aa u xooggan.

Malaayiin dollar oo lacag ah ayaana bangigaasi cilada ku timid lagala baxay saacado gudahood, waxaana dadka lacagahaasi la baxay la sheegay in ay ku jiraan arday badan oo diiay in ay lacagahaasi dib usoo celiyaan.

Bangiga ayaana ka codsaday dadka lacagaha aysan laheyn bangiga kala baxay in si deg deg ah usoo celiyaan, waxa ayna bangiga ku goodoyeen ciddii aan soo celinta lacagta ay la baxeen laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

War kasoo baxay bangiga Itoobiya ayaa lagu shaaciyay in dad ku dhaw 15,000 oo qof in ay si iskood ah dib ugu soo celiyeen lacagihii ay bangiga kala baxeen, kuwaa oo laga saaray liiska dadka loo heesto qaadashada lacagta sharci-darada ah.

Bangiga Itoobiya ayaana shalay faafiyay magacyada iyo akoonada ay leeyihiin dad gaaraya 567 qof , kuwaa oo ka biyo diiday ilaa hadda in ay dib usoo celiyaan lacagaha ay sida khaldan ugala baxeen bangiga.

Dadka lacagaha kala maqan Bangiga Commercial Bank of Ethiopia ayaana lagu caadinayaa in lacagahaasi dib usoo celiyaan, dadka qaar ee lacagaha la maqan ayaana la sheegay in qaarkood ayba dalka isaga baxeen.