Xog Dheerad Ah Oo Ka Soo Baxaysa Dilka AS U Gaysteen Macalinka Carruurta Qur’aanka Barayay

Warar ka soo baxaya deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in kooxda AS ay dileen Macalin dugsi Qur’aan, ka dib markii uu diiday in uu lacag baad ah siiyo kooxda.

AS ayaa maalmo ka hor ka afduubtay Macallin Cabdiqaadir Xasan Ilkacase oo ku sugnaa deegaanka Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku lahaa dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Ka dib waxay ku wareejiyeen deegaanka Shaw, oo ah deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan kooxda.
Macalinka ayaa dhowr jeer diiday inuu bixiyo lacago baad ah oo ay dalbadeen kooxda, iyaga oo ku amray inuu yimaado deegaanada ay weli ku sugan yihiin.
Sidoo kale, Macallinka ayaa ka dhago adeygay amarka kooxda, taasoo keentay in ay qafaashaan kadibna dilaan, sida ay wariyeen ehellada macallinka.