Macalinkii Noloshiisa Loo Seejiyay Maxad Walaashay U Canaanatay Oo Qoyskiisu Go’aan Qaaten Iyo Halka Uu Joogo Ninkii Dilay

Duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macaloow Abiikar oo uu dhowaan iskuulka Sidii ku dhex dilay arday hore oo iskuulkaas dhigan jiray.

Marxuumka oo muddooyinka cadaalad loo raadinayay, isla markaana ku jiray Firinjeer ayaa maanta la aasay, ayadoo aan weli lasoo qaban gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay inay isku raaceen in maydka la aaso, kadibna halkeedii ay kasii socoto cadaalad u raadinta Macallin Cabdiraxmaan.

Wiil dhalinyaro ah oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qarinayo baadiyaha magaalada Jowhar, balse ay iyagu soo qaban doonaan, maadaama laamaha amniga ay ku guul dareysteen.

“Waxaa naloo sheegay in ninka la geeyay meel la yiraahdo baadiyaha Jowhar oo tuulo ah waa la keeni waayay sow maahan waa ballan inaan soo qab qabano ilmo adeer yaashiisa

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Laamaha amniga way soo qaban waayeen fursad waxaaan u siinay muddo 11 maalin ah wax cadaalad ah haddii ay keeni waayeen cadaaladda gacmaheenna ayay ku jirtaa annaga ayaana soo qabaneyno”.

Dhankeeda Hooyo kamid ah qoyska Macallinka ayaa sheegtay in weli cidda uu ka dhashay eedeysanaha aysan soo booqan, una soo tacsiyeen ka qoys ahaan, taasna ay tahay wax laga xumaado.

“Qoska dhibaatada gaystay illaa hadda cid nala soo xariirtay ma jirto marka meeshaas waxaa ka fahmeynaa in lanagu dan la’yahay” ayay tiri hooyadu.

Dhanka kale waxaa Salaadda Janaasada oo marxuumka lagula tukaday Isbitaalka Madiino ka qayb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda beesha, kuwaas oo uu kamid yahay Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo goobta ka sheegay in mowqifkooda aanu weli is beddelin, lana soo qaban doono eedeysanaha.

“Mowqifkeenii hore wax iska beddelay ma laha waa lagu daba jiraa gacan ku dhiiglihiina waan rajeyneynaa in gacanta uu soo galo .

Dilka Macallin Cabdiraxmaan ayaa dhaliyay caro xoogan, maadaama lagu dhex dilay iskuulkii uu dhigayay, waxaana sidoo kale dilkiisa uu sababay inay shaqo joojin saddex maalin ah sameeyaan bahda waxbarashada, taas oo maanta ka bilaabaneysa.