Maxaad kala Socota Amarka Hargaysa laga Siiyey Diyaarad Muqdisho Fadhiisan Lahayd oo Jabuuti ku laabatay

Ilo ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in Soomaaliland ay qaaday dhawr tallaabo oo ay ka mid yihiin in ay shiday qalabka VHF oo ah mid loo isticmaalo in lagula xariiro diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya kaas oo horey u yaallay magaalada Hargaysa.

Inkasta oo qalabkaasi muddo yaallay garoonka magaalada Hargaysa, balse ma ahyan mid la isticmaalo waxaana diyaaradaha laga xariir jiray midka yaalla garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Qalabka VHF ayaa waxaa Soomaaliland uu suurtagaliyay in ay xariir la sameeysay diyaarado marayay hawada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin diyaarada Qatar Airweys iyo kuwa kale.

Dhanka Hargeysa ayaa warar aan ka helayno waxa ay sheegayaan in xogo aan rasmi ahayn lala wadaagay diyaaradahaas.

Balse xiriiro aan la sameynay maamulka garoonka Hargeysa si aan wax uga weydiino ayaan noo suuragalin.

Duulimaad ay sameyneysay diyaarada Qatar Airweys oo ka timid dalka Jabuuti una socotay magaalada Muqdisho “ayaa laga hadlay taawarka garoonka Hargaysa waxaan loo sheegay in uu xiran yahay garoonka Muqdisho”, ayay sheegeysaa xogta aan ka helnay hay’adda Duulista ee Soomaaliya. Arrintaas ay khalkhal ku aburtay diyaarada sida ay BBC-d u xaqiiyiyeen saraakiil ka tirsan ha’yadda duulista rayidka Soomaaliya.

  • Source bbc