Caanimada Shamuuri Iyo Caqabadaha Nolosha Caanimada ee uu galay

Erayada “Masha Allah” iyo “Insha Allah” oo uu kaga jawaabay badi su’aallo la waydiiyay isaga oo maxkamad hortaagan ayaa waxa ay ka dhigtay qofka loogu hadal-heynta badan yahay Soomaaliya labadii todobaad lasoo dhaafay.

Magaciisa saxda ah waa Cabdi Xasan Cabdinuur. Balse, waxa uu caan ku yahay naaneysta Shamuuri.

Waa 37-sano jir iyo aabaha 11 caruur ah. Dabayaaqada bishii Febraayo 2024 ayuu shaac-baxay kadib markii ka marti-qaati furay kiiska Luul C/casiis.

Sidda uu ka hor-sheegay maxkamadda, Shamuuri ayaa arkay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud kaas oo kasoo baxaya gurigiisa “isaga oo gacmaha laad-laadinaya”. Balse fahfaahin dheeraad ah kama bixin sababta uu Sayid-Cali sidaas u sameynayay.

Darawal gaari isku-rogay xidig caan ah
Wallow uu xeer-beegtada u sheegay in aysan ku talogal ka ahayn, Sayid-Cali ayaa ku eedeysan inuu nolol ku gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu waddaa in ay go’aan ka gaarto kiiskan Arbacada berri ah.

Kadib markii uu kasoo muuqdey fadhigii bishii Febraayo ay Maxkamada gobolka Banaadir ka yeelatay kiiska Luul, Shamuuri ayaa degdeg caan uga noqdey baraha bulshadda, iyadda oo dadka ay ku maadeysanayaan jawaabihii uu bixiyay.

Shamuuri oo kahor noloshan cusub ahaa darawal Muqdisho ka kaxeeya baabuurta loo yaqaano BL-ka ee ay raacaan dadweynaha ayaa TikTok ka furtey akoon kaas oo maalmo gudahooda ay ku xirmeen boqolaal kun taageerayaal ah.

Nolol cusub oo fursad iyo caqabad huwan

Shaqada darawalnimada ayuu waayay kadib markii uu kasoo muuqdey fadhigii buuqa badan dhaliyay ee Maxkamadda. Wareysi uu bixiyay maalin kadib fadhigaas, Shamuuri wuxuu sheegay in mulkiilaha darawalka qoonsadey talaabada uu qaadey.

Hase ahaatee, dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshadda ayaa garab-istaag weyn u muujiyay Shamuuri iyo qoyskiisa, waxaana bilowday olole dhaqaale loogu uruuriyay dhibanahan markii dambe noqdey xidiga caanka ah.

Nolosha caanimada ee u bilaabatay Shamuuri ayaa leh caqabado iyo fursad.

Balse sidda uu u maareeyo ayaa ka turjumi doonto halka uu mustaqbal ahaan ku dambeyn doono.

Balse sida uu hadda ku bilaabay oo ah inuu ganacsi u rogo saameyntiisa waa bilow fiican.