Soomaliya Oo Helaysa Diyaaradaha Hawada Sare Waxka Dila Ee Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda faderaalka Soomaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay soo iibsanayaan diyaaradaha wax gumaada ee Bayraqdar TBT2.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda faderaalka Soomaliya ay soo iibsanayso diyaaradaha casriga ah ee an duuliyaha lahayn.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili dawladda Soomaliya ay heshiis dufaac la gashay Turkiga.

Sidoo kale waxa ay arintani kusoo beegmaysa xili Soomaliya dhawaan uun laga qaaday cunaqabatayntii hubka ee muddada dheer saarnayd.

Arintan ayaa imaanaysa xili Soomaliya iyo Itoobiya ay ka dhaxayso xiisad dibloomasi oo ka qaraxday heshiiski badda ee udhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya.Dhanka kale dawladda Itoobiya ayaa waxa wararku sheegayan in ay soo iibsatay diyaaradaha casriga ah ee dagaaalka.