Somaliland oo kashiftay qorshe ay damacsan tahay Soomaaliya oo la xiriiraysa Itoobiya

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Borema ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda ee ay la galeen Itoobiya, wuxuuna kashifay qorshe uu sheegay inay damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyntii wasiirka ayaa ka hadlay sababaha keenay diidmada dowladda federaalka ee ku aadan heshiiska badda, wuxuuna sheegay in Somaliland aysan u ogoleyn inay la macaamisho dariskeeda iyo waddamada kale ee caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka oo garnaqsaday ayaa sheegay in horay Soomaaliya iyo Somaliland ay u galeen illaa 7 heshiis oo uu wax ka saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna su’aal la keenay waxa loogu diidayo inay heshiis la galaan Itoobiya ama dalal kale ee dariska ah.

“Soomaaliya 6 ama 7 heshiis ayaynu wada galnay Xasan Sheekh maanta madaxweynaha ah xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo madaxweyne ah labadooda ayaa wada saxiixay maxaa isbeddalay? waxaa isbeddalay heshiiska aynu wada galnay Itoobiya, iyagana 7 ayaynu wada galnay maxaa diidaayo marka inaan Itoobiya wada galno” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland.

Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya qudheeda ay kireysato baddeeda iyo dekedaheeda, wuxuuna sheegay in horay ay heshiisyo u gashay, hadana ay damacsan tahay qorshe kale oo ku aadan inay ku wareejiso dekedaha Hobyo iyo Kismaayo.

“Kaliya Geeskan Afrika ee aynu ka midka nahay dowladaha inta IGAD la yiraahdo ilaa 8 bees baa ka kireysan oo la leeyahay, maxaa kan Somaliland gooni u calaamadeeyay?. Saddex bees baa dowladda Soomaaliya ayaa iminka yaalla Soomaaliya, hadda wuxuu leeyahay afar meelood baan anigu siinayaayee, kaas Somaliland yaanay qaadan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wuxuu leeyahay Hobyo ayaan siinayaa, Kismaayo ayaan siinayaa, wuxuu leeyahay meel heblo ayaan siinayaa”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay doonayaan in Somaliland ay u dhaqanto sida dowlad oo kale, isla markaana ay darisnimo iyo walaalnimo kula macaamisho Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inaynu laba dowladood oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo xiriir wanaagsan leh oo kala ganacsada oo nabad-gelyada is weydaarsada inaynu wada noqono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Maxamed Kaahin Axmed.