Qorshe Lala Maagan yahay masuul ka tirsan dawladda Soomaliya oo la helay

Koox masuuliyiin ah oo la rumeysan yahay inay lahaayeen curinta mashruucii $9-ka dollar ayaa wada in eedda falkii foosha xumaa ee ka dhacay garoonka Aadan Cade dusha laga saaro masuul sare oo ka tirsan dowladda.

Sida ay ogaatay warbaahinta kooxdan isku duuban ayaa qorshaheeda wada sidii fadeexaddii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde dusha loogu saari lahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Axmed Macalin.

Kooxdan oo ay ku jiran hoggaanka wasaaradda gaadiidka, xildhibaano, xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo mid kamid ah taliyaasha ciidanka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku mashquulsana sidii ra’iisul wasaare Xamza loogu qancin lahaa inuu xilka ka qaado maareeyaha hay’adda duulista rayidka.

Qorshaha kooxdan ayaa ay in Xamza uu xilka ka qaado maareeyaha, iyada oo laga dhigayo ciqaabta falkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, taasi oo lagu bad-baadinayo cidii ka dambeysay gabood-falkaasi.

Shabakaddan ayaa la sheegay in mid kamid ah sababaha ay ula dirirsan tahay maareyaha hay’adda duulista ay tahay inuu isagu bixiyay amarkii lagu fasaxay Tallaadadii rakaabkii ku cadibnaa garoonka xilli kooxdan ay rabeen in shacabka lagu sii hayo garoonka, si ay ugu dambeynta u ogolaadaan lacagta $9 dollar ah.

Si kastaba, ma cada inuu ra’iisul wasaare Xamza u hoggaansami doono soo jeedinta kooxdan isku xiran oo uu xilka ka qaadi doono maareeyaha, laakiin uma badna iney shacabka Soomaaliyeed ku qanci doonan arrintaan.

Mashruuca sagaalka dollar ayaa sida muuqata weli wuxuu leeyahay dad u ooman in la fuliyo, oo xitaa dad loo dulmiyo dhaqan-galkiisa, si meelmar ugu noqoto mashruucan macaashka kumanaanka laga rabo, balse culeyska dhaqaale ku kordhinaya shacabka Soomaaliyeed.