Abiy Ahmed Oo Khilaafki Badda Kadib Ku Soo Wajahan Magaalo Somali Degto Oo Hargaysa Ahayn

Wararka ka imaanaya ee naga soo gaadhaya Dawlad deeganka Soomalida Itoobiya ayaa sheegaya in deegankasi uu kuso wajahan yahay Wafti uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kuso wajahan Dawlad Deeganka Soomalida gaar ahaan magaaladda Godey.

Ujeedka rasmiga ah ee safarka Abiye Ahmed ayaa lagu sheegay in uu xadhiga ka jari doono Mashaaric laga hirgaliyay magaaladdasi oo uu kamid yahay garoonka diyaaradaha Godey.

Sidoo kale Abiy ayaa intaasi kadib gaadhi doona magaaladda Jigjiga oo uu xadhiga ka jari doono mashaaric horumarineed.

Waa markii ugu horreysay ee Abiy Ahmed uu magaalo Soomali degto safar ku imaado tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka dhanka badda ee ka dhashay heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.