Fahad Yaasin Muxuu Ka Yidhi Askartii Imaaradka Lagaga Dilay Muqdisho Iyo Talo Xasan Shiikh Uu Udiray

Agaasimihii hore ee hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kula talinayo Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib toogashadii saraakiisha iyo askarta lagu laayey ee xalay askari ka tirsanaa ciidankii lagu tababaray xerada Jeneraal Goordan uu ka geystay Muqdisho.

Fahad ayaa madaxweynaha kula taliyey inuu hey’adaha amniga ku sameeyo isbedel deg deg ah, isagoo aad u dhaliilay ragga uu ka xushay dadka ee masuuliyadda uu u dhiibtay, kuwaas oo badankood uu ku shaabadeeyey Shabaabnimo.

Sidoo kale Fahad Yaasiin wuxuu qiray in dhaawac culus uu gaaray ‘kalsoonida iyo sumcadda’ lagu qambi karo amniga Soomaaliya, kadib weerarkii xerada Jeneraal Goordan oo lagu laayey saraakiil u badan Imaaraati iyo askar ay Soomaali ku jirto.

Hoos ka akhriso qormada Fahad Yaasiin oo ciwaan uu uga dhigay, “????? ???? ???? ????? ??????????”

Xerada Janaraal Gordan oo kamid ahaa xarumaha ugu amniga adkaa in saraakiil Xoogga Dalka iyo tababarayaal ajnabi ah lagu dhex shirqoolo waa fal ugub ku ah sooyaalka amni ee dalkeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha dhacay waa inay u noqotaa cashar uu wax ka barto iyo qiil uu wax ku saxo.

Marka uu Amiir Ku Xigeenkii hore ee Al Shabaab uu xil wasiirnimo ah ku abaalmariyo.

Marka wasaaradaha ay hoostagaan ciidamada uu hogaan uga dhigay shakhsiyaad taariikhdooda lagu hubo iney AS soo mareen.

Marka hay’adihii ugu xasaasiyadda badnaa uu u dhiibay rag shaqaale u ahaa Alshabaab maxay tahay natiijada uu filan karo?

Wajigabax xanuun badan ayaa gaaray sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo amniga dalka. Madaxweynuhu hadduusan isbaddal degdeg ah ku samaynin qaab dhismeedka hoggaanka amniga dalka, waxa la filan karo waa fashal amni, oo kasii fool xun inta dhacday.

Waxa dhacay waa dayac amni, oo hadii uu Madaxweynuhu qaadi waayo tallaabo u qalanta isku badali doonta dayac hogaamineed.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay weerarkaas foosha xun, intooda dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah siiyo.