Wararkii Ugu Dambeeyay ee Hawlgal La Sheegay in Lagu Laayay 30 Ka Tirsana AS

Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa howlgal ay iska kaashadeen waxa ay la fuliyeen meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo ah deegaan u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Ku dhawaad 30-kamid ah AS ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.”

Sidoo kale warka dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Hawlgalka intii uu socday halkaas lagu gubay agab isugu jira gawaari iyo saanad ciidan intaba; iyada oo lagu sheegay warka in Ciidanka dowladda ay ula socdeen dhaqdhaqaaqa ka socda deegaannadaas.

Hawlgalaan ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa ku soo aadaya xilli bilooyinkii u dambeeyay halkaas ka socdeen dagaallo ka dhanka ah AS, sidoo kale waxa uu ku soo aadayaa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorsheyneyso weji labaad ee dagaalka.