Somaliland ayaa war kasoo saartay meelmarinta waxkabaddalka dastuurka Soomaaliya

Somaliland ayaa war kasoo saartay meelmarinta waxkabaddalka dastuurka Soomaaliya oo xildhibanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay shalay oo sabti ah ansixiyeen afar cutub oo waxkabaddal lagu sameeyay.

Wasiirka warfaafinta ee somaliland  Cali Xasan Moxamed (Mareexaan) oo waraysi siiyey BBC ayaa sheegay in aysan waxba iyaga ka qusseyn waxkabaddalka Dastuurka ee ay baarlamaanka Soomaaliya sameeyeen isla markaana uu yahay “qodobkii ugu dambeeyay ee ay ku doodi jireen”.

Maxaa Ka Jira In Ex Wasiiro Cali Mareexaan Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan  Dawlada Xamar Looga Gacan Haadinayo Xilal Sarena Loogu Baaqay”Wariye  Noradin Col-ujoog | Berberatoday.com

Wasiir Cali ayaa sheegay in Somaliland ay dastuur iyada u gaar ah leedahay, kaas oo loo codeeyay sannadkii 2001 dii.

“Marka waa shaqo ay iyagu ay qabsadeen oo iyaga u taalla wax ka quseeyana ma jiraan Somaliland iyaguna way ogyihiin” ayuu BBC da u shaagay wasiir Cali.

Dadka dhaleecaynayey waxkabaddalka dastuurka oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa cuskanayey qodobba doodeed ay ka mid yihiin in uu wax u dhimi karo wadahadalkii Somaliland iyo u Dawladda federaalka Soomaaliya u dhaxeeya.

Wasiir Cali ayaa u muuqda in uu taas ka marag kacayo isaga oo yiri: “Waxaa kaliyoo xusid mudan in barigii hore ay odhan jireen oo ay isku maaweelin jireen, ‘dastuurka la ansixin mayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’ taana way soo afjareen,