Askari Baryaha Barakaysan Madaxa Rasaas Ku Fujiyay Haweenay Asay Usaarnayd Iyo sida Ay Wax udhaceen

wararka ka imaanaya deeganka Daarusalaam ee Muqdisho ayaa sheegaya in xaafad kamid ah deegankasi madaxa looga toogtay Allaha u naxariisto gabadh Asay u saarnayd oo magaceeda lagu sheegay Muna Saleeban sida ay sheegayan warar madax bannaan oo soo baxaya.

Nin  la sheegay in uu ka tirsana ciidamada dawladda faderaalka Soomaliya ayaa toogtay gabadha ay u saarnayd asaaydu.

Wararka ayaa sheegaya in dilku imid kadib markii gabadha geeriyootay iyo gabadh kale ay is dagaaalen,isla markaana gabadha kale oo askariga ay aqoon isku lahaayen ay uwacatay.

Wararka ayaa sheegaya in dilku imid askariga oo damacsana in uu rasaas ku kala kaxeeyo dumarka is dagaalay oo gacmaha iskula jiray isla markaana ay rasaasti madaxa fujisay gabadha geeriyootay.

Ninkan ayaa hada ku jira gacanta ciidamada dawladda Soomaliya oo baadhitan dheeriya ku samaynaya sida ay wax udhaceen,tallaabadan naxdinta leh ee ay ku geeriyootay gabadhan siday marada geerida ninkeega ama asayda ayaa kusoo beegmaysa xili lagu gudo jiro maalmaha barakaysan ee bisha Ramadaan.