Jabuuti oo Itoobiya Siinaysa Saldhig Bada Kulaalaya oo Haysta dhul Waafi ah Iyo Qorshaha Jabuuti

Wargeysyada maxaliga ah ee  Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti xukumada itoobiya u soo bandhigaty qorsho codsi  ah oo yimi dhanka jabuuti  kaas oo ah in   jabuuti u hayso   militariga  itoobiya  saldhig waafi ah ku yaala qooriga  Badda Cas.

Iyada oo soo xiganaysa ilo-wareedyo  xukumada itoobiya ah , warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in maamulka Itoobiya uu isku diyaarinayo in uu bilaabo soo eegista dhulka  jabuuti hayso si ay uga kaaftoonto  saldhigii itoobiya ka codsatay dhanka somaliland oo muran badan dhaliyey

Taliska ciidanka badda itoobiya  ayaa hada  sugan  magaalada Bahir Dar, ee xarunta gobolka Axmaarada, dhanka waqooyi bari ee Itoobiya. Waxaa lagu soo waramayaa in lagu wado in sahaminta itoobiya ee dhanka jabuuti u  hogaamiyo Kendo Gizo oo ah taliye. sare

Wafdi ka socda ciidamada Itoobiya ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, isagoo soo kormeeray deegaanada u dhow gacanka Tadjoura iyo magaalada xeebta ah ee Ubikh, taasoo ku taal agagaarka saldhigga jabuuti ku yaboohayso

degaanka Tadjoura

Sawirka Tadjoura

Heshiiskii lagu dhawaaqay Janaayo 1, 2024 ee u dhexeeyay Itoobiya iyo  Somaliland ayaa sii kordhinaya xiisadda Geeska Afrika ka dib markii ay ka dhalatay fal celin ballaaran. midaas oo jabtuu ka mid ahayd dhinayada ka hadlay

Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo badda, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.

 

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. jabuuti ayaa ayaa se hada muujinaysa dedaal dheerad ah oo ah inay haysato macmiilka itoobiya

Heshiiskii lagu dhawaaqay Janaayo 1, 2024 ee u dhexeeyay Itoobiya iyo  Somaliland ayaa  ayaana Jabuuti Qorshaynaysa in tan xalkeeda noqoto sidoo kalena u soo dhamaado buuqi midaas dhalisay