Maamulka Shirkada Diyaarada Fly Emirates Oo ka Hadlay warkii Diyaaradoodi

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa sheegtay in aanay hada ogayn dhibaatada ah in diyaarad kale ku soo dhawaatay diyaaradoodi  la sheegay inay kun sigatay hawada muqdisho iyo hargaysa ku muran san yihiin

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay leeyihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Afhayeen u hadlay Emirates Airlines oo la hadlay wargeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aysan waxba kaka ogayn  warka la xiriira sigashada isku dhaca labada diyaaradood.

Wuxuu tilmaamay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay.

Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa dhankooda laga soo xigtay in aysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha, iyagoo intaa ku daray in labada diyaaradood ee la sheegay in ay isku dhici gaareen aysan isku jiho u socon, iyagoo warka ka soo baxay Somaliland ku sifeeyey dacaayad raqiis ah.