Maxaa Loogu Dhegan Yahay Wasiirkan Ka Tirsan Xukuumada Soomaliya Iyo Mooshin La Diyaariyay

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin qabyo-qoraal ah, ahna Kalsooni-kala noqosho Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Guddiga waxay Cali Balcad ku heleen Musuq-maasuq baahsan iyo kutagrifal awooodeed oo ay kamid tahay inuu Wasiiru Dowlaha si cad ugu tuntay sharciga shaqada dibadda iyo xuquuqda Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Eedaha ugu waaweyn ee Qoraalka Guddiga lagu qeexay waxaa kamid ah:

1. Wasiiru Dowlaha Cali Balcad, wuxuu si hareer-marsan Xeerka Shaqada Dibadda (Sharci Lr. 114/2013) Shaqada uga eryay Qunsulkii Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in uu dalka ku soo galo, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu si cad utilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

2. ⁠Wuxuu booskii Qunsulka Koowaad ee Turkiga ku qoray qof aan ka tirsaneyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo ah mid khilaafsan Sharciga Shaqada Dibadda.

3. ⁠Wuxuu si hareer-marsan Xeerka Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Qunsulkii Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar, isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in ay dalka ku soo gasho, iyadoo Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga gudaha loo bedelaayo la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

4. ⁠Wuxuu Qunsulkii Koowaad ee Safaradada Qatar ku magacaabay nin ay isaga Qaraabo yihiin taasoo uu Gudigu u arko ninjecleysi iyo qaraabo-kiil.

5. ⁠Wuxuu si ka baxsan Xeerka Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Qunsulkii Koobaad ee

Safaaradda Soomaaliya ee dalka China isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in uu dalka ku soo galo, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

6. ⁠Wuxuu si ka baxsan Xeerka Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Qunsulkii Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Saudi Arabia isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in uu dalka ku soo galo, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

7. ⁠Wuxuu si ka baxsan Xeerka Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Qunsulka Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in uu dalka ku soo galo, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

8. ⁠Wuxuu si ka baxsan Xeerka Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in ay dalka ku soo gasho, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

9. ⁠Wuxuu si ka baxsan Sharciga Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Xoghayah Labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in ay dalka ku soo gasho, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

10. ⁠Wuxuu si ka baxsan Xeerka Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Xoghayah Labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in ay dalka ku soo gasho, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

11. ⁠Wuxuu si ka baxsan Xeerka Shaqada Dibadda, Shaqada uga eryay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Djibouti isagoo u qabtay muddo 7 maalin ah in uu dalka ku soo galo, halkan Sharciga Shaqada Dibadda uu tilmaamaayo in diblomaasiga la siiyo 2 bilood oo uu kusoo guuro.

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamanka waxay ogaadeen in Mashruuca uu Cali Balcad horboodayo ee uu ugu yeeray dib-u-habeynta Safaaradaha in uu yahay mid ku saleysan qabyaalad, ninjecleysi, aargoosi, beegsi qabiil iyo Musuq-maasuq baahsan, waxaana Guddiga u caddaatay in dhamman tallaabooyinka uu ilaa hadda qaaday oo dhan ay yihiin kuwo hareer-marsan Sharciga Shaqada Dibadda; sidaa darteedna ay Golaha Baarlamanka horgeynayan Mooshin kalsooni kala noqosho Xubin Golaha Fulinta kamid ah si waafaqsan Sharciga.