Maxaa Kala Qabsaday Horjooge Ka Tirsana Kooxda AS Iyo Ciidamada Dawladda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay howlgal ka dhacay Gobolka Mudug waxa ay sheegtay in lagu dilay saraakiil katirsan ‘AS’ kaddib markii xog dhammaystiran laga helay sida hadalka loo dhigay.

Howlgalkaan ayay Dowladdu sheegtay in ay uu ahaa mid si feejigan la isugu dubbariday oo ugu dambayn lagu beegsaday ku xigeenkii madaxa Jabhadaha ‘AS’ ee Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Magaca sarkaalka la beegsaday waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay Maxamed Isaaq “M***C*de”oo ku magac dheer  waxaana uu ku eedaysnaa dagaallo ka dhacay Gobolka Mudug sida Dowladdu hadalka u dhigtay.

Qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maracadde lala dilay Sarkaal Ajnabi ah oo la socday iyo shan xubnood oo kale oo ilaalo u ahayd halka hubkii ay wateen ciidamu soo qaateen sida hadalka loo yiri.

Gobolka Mudug gaar ahaan Koofurta waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ay isku kaashanayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka ee Macawiislayda loo yaqaan.