“Inaan maqlo qosolka carruurtayda xanuun bay ii tahay.”Haweenay Uu Ku Dhacay Cudur Naadir Ah Oo Nacsiiyay Ubadkeegi

18-kii bilood ee la soo dhaafay, Karen Cook waxa ay la ildaran tahay jirro si tartiib tartiib ah uga sii dareysa oo naadir ah.

Dhawaqyada ay maqashay maalin walba waxa ay huriyeen dhaqdhaqaaqeeda, is dhexgalka bulshada iyo xidhiidhka qoyskeeda.

“Xitaa maqalka qosolka iyo codadka carruurta aan jeclahay waxay igu noqotay xanuun,” ayay u sheegtay BBC-da.

Karen, oo 49 jir ah, ayaa qabta xaalad lagu magacaabo Hyperacusis,Xanuunkan ayaa ku qasbay in ay ka go’do ninkeeda iyo caruurteeda.

Waa meel walba. “Waa wax aan la baxsan karin,” ayay tiri Karen, oo deggan Merseyside, waqooyi-galbeed ee England, oo leh buuqa ayaa khatar ku ah caafimaadka.

Dhawaaqyada ku xeeran Karen ayaa ku sabab xannuun sida muuqata ee ay u sheegtay warbaahinta.

Xanuunkeedu waa halis, Kuma biirto qoyskeeda xitaa xilliyada fasaxyada.

Waxay fadhiday qol kale iyadoo daawanaysa carruurteeda oo ku jira da’da toddoba iyo 11 jir ah oo si farxad leh hadiyadahooda u furaya intii lagu jiray dabaaldegga kirismaska ​​ee qoyska iyo asxaabta.

Ilaa hadda ma aysan helin wax dawo ah oo ka daweyn kara ama ka saari kara cudurka hyperacusis, kaasoo ka dhashay iska caabin la’aanta codka.

Mararka qaarkood xanuunka waxaa lagu daraa xanuunka dhegta ee caanka ah ee loo yaqaan tinnitus, kaas oo sii xumeynaya xaaladda xannuunkeda.

Jirrada Karen waxay si lama filaan ah u bilaabatay laba sano ka hor.

Kadibna xanuunku si tartiib tartiib ah ayuu uga sii daray.

Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in xanuunkan laga yaabo inuu la xiriiro dhaawacyada dhawaaqa, taas oo keenta in dadka qaarkood ay ku dhacaan.