54 Jir Xaaskiisi Soodh ku Dilay oo Ciidanka Boolisku Soo Qabteen

Warbixin :- Ciidamada Booliska SL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed 54jir oo ku eedaysan inuu Xalay Abbaaro 10:30kii Habeenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd Xaaskiisii waxaanu uu ku dilay Mindi ( Soodh)

Dedaal dheer iyo  hawlgallo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanahii  , waxaana hadda ku jiraa gacanta Ciidanka. Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen  , waxaana kiiskaasi baadhidiisa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dmabiyada (C.I.D).

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska SL .