Maxaa Magaaladda Hargaysa Loogu Haysta Ninka iibinayay Nigiska Dumarka?

Wararka ka imaanaya magaaladda Hargaysa ee Somaliland ayaa sheegaya in magaaladasi laga baadi goobayo nin gancasade ah.

Ninkan laga baadi goobayo Hargaysa ayaa waxa lagu eedeyay in uu iibin jiray kalsoomada dumarka kuwa tayadoodu ay liidato.

Warqad ka soo baxday dawladda Hoose ee magaaladda Hargaysa ayaa waxa lagu codsaday in la soo qabto eedaysanahan lagu haysto in uu suuqa soo galiyay Nigis ama kalsoonada dumarku xidhaan oo tayadoodu ay aad u hoosayso.