Maamuka Puntland oo ku hanjabay in Baarlamaanka la kala dirayo

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka diiday mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka Puntland

Wasiirka ayaa sheegay in gebi ahaanba Wareegto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta

Warka ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaaku soo aadaya Xilli Baarlamaanka Puntland uu Muddo kordhin hal sano ah uu sameystay meeshana ka saaray qararuu Madaxweyne Deni u gudbiyay iyadoo muddo kordhinta Baarlamaanka Puntland ay ka hor imaaneyso Dastuurka Puntland.