Baarlamanka Dal Afrikan Ah Oo Soomali Badan Ku Nooshahay Oo Mamnuucay Xidhashada Dharka U Eeg Labiska Madaxwaynaha

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka mamnuucay gudaha Xarunta baarlamaanka in lagu xirto labis suut ah, kaasoo loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Zambia Kenneth Kaunda.

Gudoomiyaha baarlamaanka, Moses Wetangula ayaa sheegay in suudkan oo uu ku tilmaamay dhar dhaqameed iyo dharka kale ee dhaqanka ka turjumaya aan laga ogolayn xarunta baarlamaanka.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa inta badan xirta Suudkaan uu xilliyada uu ku jiro shaqada easmiga ah .

Suudka oo ah surwaal iyo shaati gacamo gab ah oo isku ek ayaa inta badan la arkaa madaxweynaha Kenya oo xiran marka uu ka qeyb galayo xafladaha iyo munasabadaha kala duwan ee ka dhacay wadanka .
Talaadadii, ayuu gudoomiyaha Barlamaanka Kenya Wetangula waxa uu sheegay in go’aanka uu ku mamnuucay dharkan ay sabab u tahay is-beddellada moodada ee soo ifbaxaya kuwaas oo khatar gelinaya xeerka labiska ee baarlamaanka Kenya.

Waxa uu xusay in nidaamka labiska habboon ee raggu “yahay jaakad, Surwal Dheer ah iyo koofiyado kuwas oo ah kuwa saxda ah ee raggu qaadan karaan inta lagu jiro xarunta Baralamanka “

Waxaa kale oo xusay in labiska saxda ah ee “haweenka ay la imaan karaan barlaamka uu yahay Goon dhere iyo haaf kuwaas oo an ka hor imaanayna xeerka labiska ee baarlamaanka” .

Suudka hada la mamnuucay ayaa horay loogu ogolaaday baarlamaanka iyadoo xildhibaanada qaar ay caan ku yihiin inay xirtaan marar badan.

Wetangula gudoomiyaha baarlamaanka Kenya waxa uu tilmaamay in suudka waayihii hore qaadashadiisu uu dalka ka ahaa ,mid caadi ah balse hada la joogo waqtigii la joojin lahaa maadama xeerka labiska ee baarlamanka uu sidas dhigayo.

bbcsomali