”Dhalinyaradii Soomalida ayaa laga iibsada shahwada,waxaana dhakhaatiirtu ay ilmaha kaaga beerayan shahwo ninkaagu uusan Lahayn

Wararka ka imaanaya Isbitaalada Dalka Hindiya ee lagu sameeyo beerista Ubadka ayaa noqday kuwa ka yaabiyay Soomali badan oo baahidasi utagay Dalkaasi.

Soomalida oo kamid ah bulshada udoonata Isbitaalada qaar ee dalkaasi in ay helaan Awlaad ayaa ka taga guud ahaan dacala dunida meel kasta oo Soomali ay joogto.

Waalidiinta Soomalida ee la dhiban ilmo la’aanta ayaa waxa ay dantu ku kaliftay in ay lacag ku raadsadaan Awlaad iska markaana ay sameeyan wax kaste oo ay ubad ku heli karaan.

Sifada ay sameeyan dhakhaatirta dalkaasi ayaa ah in biyaha laga qaado Aabaha isla markaana ugxaanta haweenayda oo diyaarsan lagu talaalo,marka loo eego sifooyin caafimad.

balse hada waxaa laga soo sheegaya isbitaaladasi in Ay Dhalinyarada Soomaliyeed ee  wax ka barata dalkaasi ay ka iibsadaan Biyaha ama shahwada,isla markaana meel ay ku kaydiyaan iyagoona u diyaarinaya waalidiinta Soomalida ee Ilmo beerista raba,waxayna uga dhigayaan biyahaasi in ay yihiin Biyihii Aabaha laga qaaday.

Arintan ayaa waxa baraha bulshada ku baahiyay Soomalida iyaga oo sheegay in ay jirto khatartaasi.

Arintan ayaaa sidoo kale ay sheegen Soomalidu in ay hada ka hor jirtay balse hada ka hor ay shahwada la isticmaali jiray ay ahayd mid ay ka iibsadeen Dhalinyarada Hindida balse markii taasi la ogaaday hada ay bilaaben dhakhaatirta qaar in ay dhalinyarada Soomalida ka iibsadan Shahwada.

”Dhalinyaradii Soomalida ayaa laga iibsada shahwada,waxaana dhakhaatiirtu ay ilmaha kaaga beerayan Biyo ama ugxaan aanad lahayn”Waxaa sidaasi sheegtay mid kamid ah waalidiinta ilmo beerista udoontay Hindiya