Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qarax Ismaadamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalo Uu Ku Sugna Madaxwaynaha Soomaliya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, xilli uu degmadaas maalintii saddexaad uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Qarax oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay banaanka hore ee degmada Maxaas, waxaana la sheegay in ciidanka ammaanka ay Qori weyn ku dhufteen gaariga oo noociisu ahaa Laanguruusal.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhinaty ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lamana soo sheegin khasaaro qaraxa kasoo gaaray ciidamada Macawuusleyda iyo kuwa kale ee ammaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxcamuud ayaa xilliga qaraxa dhacayay ku sugnaa xero ciidanka dowladda leeyihiin, waxa uuna halkaasi kula hadlayay ciidankii goobta joogay, isagoona sii watay hadalkiisa xilli uu dhacay qaraxa xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ka wada kulamo uu la qaadanayo saraakiisha ciidamada xoogga iyo siyaasiyiina, isagoona kala hadlaya dardar-gelinta howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.