Xildhibaan ka Mida Baarlamaanka Somaliya oo Shaki Galiyey Inay Dawlada Somaliya Dishay Almas Elman iyo Cadaymaha u Daliishaday

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Qoraal ku Faafiyey Bartiisa Facebook Ayaa Shaki Galiyey Xukumada Madaxweyne Farmaajo inay ka Dabay Dilkii Gabadhi Dhalinta Yarayd ee Muqdisho Lagu Dilay Xildhibaan ka Ayaa Sidan Yidhi

sharqanteeda agagaarka laga maqal ayaa dishey marxuumad Almas Elman AUN, laakin waxaa la wada og-yahay qoriga dhashiikaha ah ee xabadiisu ay dishey gabadha waxaa magaalada MUQDISHO ku heysta oo kaliya ciidamada dawladda ka amarqaata iyo AMISOM.

Haddaba waxaan ayadoon ka leexleexasho laheyn looga fadhiyaa Madaxda Villa Somalia In ciddii dambigaas geysatay sharciga la soo hortaago, ehelada marxuumadda iyo umadda Soomaaliyeedna lala hor yimaado baarista la sheegay in la samaynayo ka dib wax macquul ah oo lagu qanci karo.