Taaladii loo Dhisay Laacibkii Caanka Ahaa ee Zlatan Ibrahimovic oo Swiden Cunsiyad Weyn Kala Kulantay Iyadoo aakhirkii Dhulka Lala Simay

Ka dib markii la isku dayay in dhowr jeer la burburiyo taalladi Zlatan Ibrahimovic ee tiilay barxadda hore ee garoonka magaalada Malmö ayaa meel cusub looga baneeyay taaladaa magaalada Stockholm.

Image result for ibrahimovic malmo statue destroyed

Waa sida uu sheegay Samuel Laulajainen oo maareeye ka ah masraxa  caanka ah riwaayadaha ee Södra Teatern. Maareeyaha ayaa doonaya in taallada Zlatan la ag dhigo qoraaga caanka ah ee August Strindberg oo isna taalo ku leh barxada Mosebacke ee Stockholm.

Image result for ibrahimovic malmo statue destroyedImage result for ibrahimovic malmo statue destroyedImage result for ibrahimovic malmo statue destroyed-Sida ay u egtahay reer Malmö ma radooneyaan taallada Zlatan.

Waxaa haboonaan laheeyd in halkan la keeno, bulshadu way soo dhaweeyn lahayd, ayuu sheegay Samuel Laulajainen oo maareeye ka ah masraxa carwooyinka ee Södra Teatern.

Akhbaartii inuu Zlatan Ibrahimovic ka mid noqday mulkiileyaasha naadiga kubbadda cagta Hammarby ayaa dhalisay dareen aad u wayn.

In taallada Zlatan la keeni doono Stockholm iyo in kale weli degmada Malmö warbixin kama dhiibin. Laacibkan oo Ku Dhashay Isla Magaaladan Malmo ee Lagu Burburiyey Taaladiisa Ayaa Hooyadii Ka Soo Jeeda Wadanka Kuriwaadka Halka Aabihiina Ka Soo Joodo Bosnia

Hoos Ka Dhegayso

 

Source  sverigesradio.se