Qiso dhaba oo ka dhacday dalka maraykanka: lamaane 8 sano kuraas ku wada fadhiyay dhulka hoostiisa, aqriso oo dhamayso!



Lammaanihii Colorado ee Lumay 2011 waxa la helay Siddeed Sano Kadib Iyagoo Fadhiya godka macdanta laga qodi jiray Utah ee Laga Tagay.

Kiiskani wuxuu ahaa kiis lagu wareeray gaar ahaan labada qoys iyo mas’uuliyiinta baadhitaanka waday mudada dheer ook ku jahawareeray ku dhawaad ​​toban sano, hadhaagii laba dalxiise ee reer Colorado ahaa, Sarah Bennett, oo 26 jir ahayd, iyo Andrew Miller, oo 28 ahaa waqtiga la waayay ayaa laga helay 2019 god qoto dheer oo gudaha ugu jira meesha macdanta uranium-ka laga qodi jiray barigii hore oo aan imika shaqaynin ee koonfurta Utah, siddeed sano ka dib waayitaankooda qarsoodiga ah.
Lammaanuhu waxay go,aansadeen inay ku soo qaataan waqti fiican oo jawi dagan leh dalxiis gaaban kadibna soo noqdaan safar nabdoon usbuucii u dambeeyay bishii March ee 2011kii.

 

May be an image of 2 people and text that says "НО-АА Но AA"

Waxay ahaayeen lamaane aad u jecel dalxiiska iyo dhulka baadiyaha ah iyagoo ka sinaa jacaylka qaadista sawirada dhulka kaymaha iyo nolosha dabiicaga ah ee nolosha duurjoogta loo yaqaan jacaylka sawir-qaadista iyo dabeecadda, waxay qorsheynayeen fasax saddex maalmood ah si ay u sahamiyaan quruxda duurjoogta ee kaymaha fog ee San Rafael Swel.

Baaxadda saxaraha ah ee qallafsan, dabayshu wadata oo ay ku astaysan yihiin macdan yuraaniyaam duug ah iyo macdanta dhagax ah ee shucaaca leh.
“Ma ay ahayn dad mudo dheer maqnaanaya,” Sarah walaasheed, Emily Bennett, ayaa u sheegtay The Denver Post 2020. “Waxay raadinayeen uun meel jawi dagan. Waxayna islahayeen ka fogaada shaqada iyo sawaxanka nolosha.”

Laakiin Sarah iyo Andrew weligood dib umay soo noqon.
Meeshii ugu dambaysay ee lagaga war helay waxay ahayd kaalinta shidaalka ee Green River ee xaafadda Utah, halkaas oo ay ka buuxsadeen gaadhigooda oo ah Subaru Outback shidaalka oo ay sidoo kale ka iibsadeen khariidadda Degmada Emery. Intaa ka dib, waa la waayay meelay jaan iyo cidhib dhigeen iyadoon wax raad ah laga helin mardanbe. Baaritaan ballaadhan oo lagu sameeyay lugta gaadiidka, helikobtero, oo dadku is abaabuleen oo xitaa eyda, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la adeegsaday waxba waa lagu waayay waa laga quustay raq iyo ruux.

Sannado ayaa ka soo wareegay. Kadib, bishii Agoosto 2019kii, ayaa koox ardayda juqraafiga barata ah oo ka socda Jaamacadda Utah ayaa ku turunturooday qof foofkii maydkooda iyaga oo sahaminaya god duug ah oo macdanta uranium laga qodi jiray beri hore oo u dhow Buurta Macbadka.
Qiyaastii 300 oo talaabo ayay godka hoos u qodan kusii dhex jireen oo dhulka hoostiisa ah, waxay heleen laba qalfoof oo dharkii wali xidhan, oo is ag fadhiya iyagoo ku fadhiya kuraasta laalaabanta ee safarka loo qaato oo daxalaystay. Waxaa ku xigay faynuus jabay, iyo falaas daxalaysatay, iyo kamarad hore oo Nikon ah.
Macdantu waxay ku sii duntay gudaha, iyada oo xidhay maydadka waxa ay khubaradu ugu yeedheen “crypto dabiici ah,” oo ilaalinaysa inta badan goobta.
markii la aqoonsan waayay waxaa gartay dhaqtarkii ilkaha ee u adeegi jiray oo ayay recordka ilka hooda ayaa xaqiijiyay: waxay nodeen Sarah iyo Andrew.
Sababta saxda ah ee dhimashada ayaa weli si rasmi ah “aan loo ogaan karin,” in kasta oo baadhayaashu ay rumeysan yihiin in lammaanuhu ay ku sumoobeen hawo la,aan ka jirta goobta iyo shucaada ka dhasha macdanta hoose. sidoo kale qiiqa gaasta faynuuskii ay shiteen habeenkii sunta kasoo baxaysay ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tahay arrin suurtogal ah inay u dhinteen sumowga hawada.

“Waxay u galeen godka iyagoo raalli ka ah,” ayay tiri Baadhe sare Laura Martinez, oo hoggaaminaysay baa#dhitaanka dib loo cusboonaysiiyay. “Waxba kamay cararaynin , waxaad mooddaa inay fariisteen oo ay nasanayeen si bilaa war war ah marka la eego qaabta ay kuraasta ugu fadhiyeen iyagoo dhintay.”

Ilaa maanta, kiiska wali lama xaqiijin karo waxa ka dambeeyay geeridooda mala-awaal iyo murugo mooye. Taalo xusuusa ayaa looga sameeyay meel u dhow godka macadanta.

sidoo kale waxaa la arki karaa meesha laga soo galo godka macadana dhagax fudud oo magacyadoodu ku xardhan yihiin, oo ay dabaysha saxaraha ahi ku wareegsan tahay.

“Sarah iyo Andrew waxay sheekadoodu waxay noqotay mid buugaa badan laga qoray.