Hooyo Fatima Maalin, oo 70 sano jir ah, ayaa beenisay warar baraha bulshada ku faafay oo sheegayay in ay dhashay ilmo yar iyadoo 60 jir ah. Sawir laga qaaday hooyada oo ku jirta isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, isla markaana ilmo dhabta loo saaray, ayaa loo fasiray si qaldan, taas oo dhalisay hadal hayn ballaaran.
Maalmahan dambe, baraha bulshada ayaa qabsaday sawirka Fatima, waxaana dad badan ku andacooday in ay dhashay ilmihii ugu horreeyay muddo 43 sano ka hor, islamarkaana ay mar labaad dhashay iyadoo 60 jir ah. Qaar kale waxay ku dareen in ay tahay dhacdo naadir ah oo aan badanaa ka dhicin bulshada Soomaaliyeed.
Hase yeeshee, Fatima Maalin oo arrinta ka hadashay ayaa sheegtay in dhammaan wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad midna lahayn.
“Carruur badan ayaan horey u dhalay, ilmahan sawirka igu jira anigu ma dhalin. Waxaan ahay 70 jir, ma ihi 60 jirka ay igu sheegeen,” ayay tiri.
Hooyadu waxay intaas ku dartay in sawirka lagu qaaday xilli ay ku sugneyd qaybta caafimaadka ee isbitaalka, iyadoo xaalad caafimaad loo jiifiyey, halka ilmahana uu ahaa mid dhabta loo saaray kaliya oo aan iyadu dhalin.
Wararka beenta ah ayaa sida ay sheegtay si weyn uga careysiiyey carruurteeda, kuwaas oo ku dhaliilay in magaca qoyska lagu soo jiiday hadal hayn aan wanaagsanayn.
“Markay arkeen warka khaldan way xanaaqeen, waxayna igu yiraahdeen: ‘Hooyo, sidan maxaad u yeeshay?’” ayay raacisay Fatima.



