Diyaarad sida 67 qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa 18 jully ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadkan inta badan laga soo qaaday xabsi ku yaallay gobolka Louisiana.
Ciise Aadan Sharlaawe, oo mid ah dadka tarxiilka ku jiray, ayaa wareysi uu siiyey wariye Cilmi ku sheegay in socdaalkooda uu ahaa mid rafaad badan oo socday saddex maalmood, diyaaraduna ay soo martay dalal ay ka mid yihiin Cuba, Laos, Senegal iyo Kenya.
Sharlaawe waxa uu tilmaamay in markii ay soo gaareen Muqdisho Sarakiishi somalida ay la soo yaaceen jawaano ay la yaabeen si ay ugu gurtaan katiinadihii ay ku xirnaayeen taas oo u muuqatay in kaatinaduhu ka qaalisanaayeen noloshooda.
Markii nala arkay waxaa la yiri katiinadahaan ayaan mudo sugaynay waa qaali kaliya dadka maraykan laga soo tarxiilo ayaan ka helna , qof kasta degdeg ayaa looga furtay, saraakiishana waxa kaliya ee u muuqday waxay ahaayeen birihii Maraykanku nagu xidhay, inay Jawaano ku gurtaan ayuu yiri
Waxa uu intaa ku daray inuu dareemay niyad-jab weyn, maadaama dadka Soomaaliyeed ee dalkooda lagu soo celiyey ay u muuqdeen kuwo aan qiime ku lahayn dalkooda , halka dadka Eritrea ka soo jeeday ee la xidhnaa laga sii daayay tarxiilka, kadib markii safaaradda dalkoodu si cad uga hortimid qorshahaas.
Sharlaawe ayaa eedayn culus u jeediyey safaaradda Soomaaliya ee Washington, isagoo sheegay in ay ka jawaabi waayeen telefoonadii dadka la xirnaa, taasoo sababtay in Soomaalida loo soo qaado si khasab ah.
Tarxiilkan ayaa muujinaya xaaladda adag ee ay wajahayaan muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool, gaar ahaan kuwa ku jira xabsiyada socdaalka, iyadoo loo baahan yahay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo safaaraddeeda dibadda ay si dhow ula socdaan xuquuqda muwaadiniinta.