Ted Cruz oo Madaxweyne Trump ka Codsaday Aqoonsiga Somaliland

Ted Cruz oo Madaxweyne Trump ka Codsaday Aqoonsiga Somaliland

Ted Cruz oo Madaxweyne Trump ka Codsaday Aqoonsiga Somaliland

Washington D.C. – Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika ee Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka, Senator Ted Cruz, ayaa warqad rasmi ah u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo ka dalbanaya in si buuxda loo aqoonsado Somaliland.

Senator Cruz ayaa ku tilmaamay Somaliland inay tahay dal dimuqraadi ah oo doorashooyin xor iyo xalaal ah qabtay tan iyo sannadkii 2002, iyadoo xilalka si nabad ah loogu kala wareegay. Wuxuu xusay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim ah oo ku dhow Gacanka Caddan, marin-biyoodka Badda Cas oo muhiim u ah ganacsiga caalamka.
Sidoo kale, Senator Cruz wuxuu sheegay in Somaliland ay wajahday cadaadis iyo faragelin amni oo ka imaanaysa Shiinaha iyo xulafadiisa Soomaaliya, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay wiiqaan madax-bannaanida iyo jiritaanka qaranka Somaliland.
Codsiga Cruz ayaa imaanaya iyadoo dhowr siyaasi oo Maraykan ah ay horay u taageereen tallaabooyin sharciyeed oo loogu gogol xaarayo aqoonsiga Somaliland, waxaana tusaale u ah hindise sharciyeed uu soo gudbiyay Xildhibaan Scott Perry dhammaadkii 2024.

arimaha noocan ayaa ku soo beegmaya xili muqdisho la isku mari waayey sidii xal waara looga gaadhi lahaa hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah midaas oo sii fogaynaysa mawqifka beesha caalamka iyo maraykanka ee ah in somali la isu keeno mar labaad