Taliyaha NISA Jubbaland oo Ku Dhawaaqay Dhismaha Maamul Cusub oo Gobolka Gedo Ka Hirgalaya iyo Mamnuucidda Qaadashada Hubka Beledxaawo

Taliyaha NISA Jubbaland oo Ku Dhawaaqay Dhismaha Maamul Cusub oo Gobolka Gedo Ka Hirgalaya iyo Mamnuucidda Qaadashada Hubka Beledxaawo

Beledxaawo — Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, ayaa maanta ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo gobolka Gedo ka shaqeeya, taas oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan maamulka gobolka ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Kulanka maanta ka dhacay degmada Beledxaawo, Janan ayaa sheegay in maamulkan cusub uu noqon doono mid ay si wadajir ah u dhisan doonaan shacabka reer Gedo, islamarkaana ay ka dhici doonto wada-tashi ballaaran oo bulshada deegaanka ay ku yeelan doonaan door muuqda.

“Waxaan rabnaa inaan ka shaqeyno inaad gogol isugu imaataan oo aad dhisataan maamul aad adinka leedihiin, kuna kalsoon tihiin,” ayuu yiri Taliyaha NISA Jubbaland Cabdirashiid Janan, isagoo muujiyay rajada ah in midnimo iyo is-afgarad laga gaaro arrimaha maamulka gobolka.

Sidoo kale, Janan ayaa mamnuucay in hub lagu dhex qaato degmada Beledxaawo, isaga oo sheegay in amniga magaalada ay sugayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Reer hebel baan ahay oo qori ayaan wadanayaa, inta ayaan joogayaan oo magacbaa la baxayaa ma jiri doonto maanta kadib,” ayuu si adag u sheegay Janan, isagoo ka digay in hubka aan sharciga ahayn lagu fido.

Dhismaha maamul cusub oo gobolka Gedo ka hirgala ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadgelyada, maamul wanaagga, iyo isku xirka bulshada, iyadoo looga gol leeyahay in laga hortago khilaafaadka siyaasadeed ee hadda ka taagan gobolka.

Maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa muddo ku jiray xiisado siyaasadeed oo ku saabsan awood qeybsiga gobolka Gedo, waxaana tallaabadan lagu wadaa inay horseedo xal waara oo gobolkaas looga dhigo mid xasiloon.