Markabkan ayaa waxaa gacanta ku dhigay muddo laba todobaad laga joogo ciidanka badda ee Puntland (PMPF), ka dib markii la sheegay inay cillad ku gashay meel ku aaddan xeebaha Puntland.
Tan iyo markaas wuxuu markabka oo la yiraahdo Sea World ku xirnaa dekedda Boosaaso, ayadoo Puntland ay sheegtay inay baarayso.
Maanta ayaa haddaba waxaa kulan yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo wafdi la socday iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo ku saabsanaa sidii loo sii deyn lahaa markabka.
Qoraal ay Puntland soo saartay ayey ku tiri “Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga”.
Markabka ayaa la sheegay inuu siday shixnad isugu jirta hub yaryar iyo mid waaweyn, iyo qalab milateri oo culus. Weli lama sheegin goorta la sii deyn doono.



