Muuqaal si weyn baraha bulshada loogu wadaagay ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), oo socdaal lug ah ku dhex maraya magaalada Burco. Iyadoo ciidankii ilaaladu hareer socdaan, si lama filaan ah ayaa gabadh yar uga soo orodday dhinaca kale ee jidka, iyadoo ku guuleysatay inay si toos ah ugu isugu marto madaxweynaha.
Inkasta oo ilaaladu isla markiiba isku dayeen qabashada gabadha, haddana muuqaalka ayaa muujinaya in madaxweynuhu si deggan oo kalsooni leh laabta ugu galiyay, taas oo dad badan ku dhalisay dood ku saabsan khatarta ammaanka iyo sidoo kale sida hoggaamiyuhu ugu dhowaan karo shacabkiisa.
Dhacdooyin La Mida oo Caalami ah
Dhacdadii Maraykanka – 2009
Intii uu ololaha doorashada ku jiray Madaxweynaha Barack Obama, nin dhalinyaro ah ayaa si kedis ah uga soo orday dhanka dadweynaha isagoo isku dayay inuu u dhowaado. Ilaalada Secret Service ayaa markiiba qabtay, hase yeeshee dhacdadu waxay khalkhal weyn ku abuurtay goobtii, ninkii ordayayna wuxuu naftiisa galiyay khatar, maadaama falcelin xooggan laga filayay ciidanka amniga.
Dhacdadii Masar – 2020
Intii Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi uu booqasho ku marayay magaalada Alexandria, qof dhalinyaro ah ayaa si lama filaan ah uga soo dhex orday dadweynaha, isagoo isku dayay inuu u dhowaado ama isku maro madaxweynaha. laakin Ciidamada amniga ayaa qabtay ka hor intii aanu gaarin, balse dhacdadani waxay keentay buuq iyo cabsi, iyadoo wiilkii orday naftiisa halis galiyay — wax yar ayuu u jirtay in rasaas lagu furto
Casharrada Dhacdada Burco
Halista Amni: In kasta oo gabadha Burco aysan wadan wax khatar ah, samayn haddana tallaabadeedu waxay muujisay sida qof aan la garanayn uu si fudud ugu dhex mari karo xayndaab amni. Taasi waxay u noqon kartaa cashar muhiim ah ciidanka ilaalintada madaxweynaha somaliland
Halista Dhalinyarada: Xamaasadda iyo rabitaanka ay dhalinyaradu u qabaan in ay la kulmaan madaxda waxay mararka qaar ku riixdaa falal ay naftooda khatar u geliyaan, iyadoo aysan ka fikirin in ilaaladu si adag uga falcelin karto dil deg deg ah na u dhici karo si lama filaan ah maada ay tahay waxyaabaha lagu tobabaro tani
Dulqaadka Ilaalada: Ilaalada madaxweynuhu waxay muujiyeen dulqaad iyo xirfad, iyagoo xaaladda si degdeg ah u maareeyay halkii ay ku dhaqmi lahaayeen xoog xad dhaaf ah. Tani waxay badbaadisay gabadha yar oo dhacdadani noqon lahayd mid murugo leh hadii ay ka dhci lahayd wadamo kale