Muuqaal qarsoodi oo laga duubay ‘haweenka’ ku lugta leh ganacsiga galmada carruurta ee Kenya

Muuqaal qarsoodi oo laga duubay ‘haweenka’ ku lugta leh ganacsiga galmada carruurta ee Kenya

Baaritaan ay sameysay BBC Africa Eye ayaa daaha ka qaaday sida haweenka, loo yaqaan “madams”, ay carruur da’doodu yar tahay sida 13 jirrada ay u geliyaan ka ganacsiga jirka ee gudaha Kenya.

Magaalada la sii maro ee Maai Mahiu, oo ku taal gobolka Rift Valley ee dalka Kenya, waxaa habeen iyo maalin waddooyinka mara baabuurta xamuulka iyo dadka u qaada dalalka Uganda, Rwanda, South Sudan, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Xarunta muhiimka ah ee gaadiidka, oo 50km (31 mayl) dhanka bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Nairobi, ayaa caan ku ah ka ganacsiga jirka, laakiin sidoo kale waa goob ay ku tarmaan xadgudubyada galmada ee carruurta.

Labo baarayaal oo qarsoodi ah, oo iska dhigaya inay ka ganacsiga jirka ka shqeeyaan oo doonaya inay bartaan sida loo noqdo “madam”, ayaa horraantii sanadkan bilooyin ku qaatay magaalada si ay ugu kuur-galaan ka ganacsiga jirka.

Filimkooda qarsoodiga ah ayaa muujinaya labo dumar ah oo kala duwan oo sheegaya inay og yihiin inay sharci darro tahay ka dibna usoo bandhigaya baarayaasha gabdhaha aan qaan-gaarin ee ku jira ganacsiga galmada.

BBC-da ayaa dhammaan caddeymihiisii siisay booliiska Kenya bishii Maarso. BBC-da ayaa aaminsan in madams-ku ay ka guureen goobta ilaa markaas. Booliska ayaa sheegay in haweenka iyo gabdhaha yaryar ee aan duubnay aan la heli karin. Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay.

Dadka dembiyada loo xukumo naadir ayay ka tahay Kenya. Dacwad-oogis guuleysata, booliisku waxay u baahan yihiin marag-kaca carruurta. Inta badan carruurta nugul ayaa aad uga cabsada inay marag furaan.

Muuqaallada BBC-da ee yar ee laga duubay waddada mugdiga ah ayaa muujinayay hal dumar ah, oo isku magacawday Nyambura, iyadoo qoslaysa oo leh: “Weli waa carruur, sidaas darteed way fududdahay in la sasabo iyada oo kaliya la siinayo nacnac.”

“Ka ganacsiga carruurta il-dhaqaale ayay ka tahay Maai Mahiu; gaadiidleydu asal ahaan dabka ayay usii huriyaan. Taasina waa sida aan uga faa’iidaysanno. Waxaa caadi looga dhigay Maai Mahiu,” ayay sharraxday, iyada oo raacisay in ay haysatay hal gabar oo da’deedu tahay 13 jir, oo markaaba shaqeyneysa lix bilood.

“Waxay noqonaysaa mid khatar ah markaad la macaamilayso carruurta aan qaan-gaarin. Kaliya ma keeni kartid si furan magaalada. Kaliya waxaan si qarsoodi ah usoo dusiyaa habeenkii si sir ah,” ayay tiri Nyambura.

Falka ka ganacsiga jirka ee qof qaangaar ah oo oggolaadey dembi kama aha sharciga qaranka Kenya balse waxaa mamnuucay sharciyo badan oo heer degmo ah. Lagama mamnuucin Maai Mahiu, oo ka tirsan degmada Nakuru.

Marka loo eego xeerka ciqaabta waa sharci-darro in lagu noolaado dakhliga ka ganacsiga jirka, ama shaqaale galmo ahaan ama qof saddexaad oo fududeeya ama ka faa’iidaysta ka ganacsiga jirka.

Ka-ganacsiga ama iibinta carruurta da’doodu ka yar tahay 18 sano waxay xambaarsan tahay xukun xabsi ah oo u dhexeeya 10 sano ilaa xabsi daa’im.

Mar la weydiiyay in macaamiishu ay xirtaan cinjirka galmada, Nyambura waxay sheegtay in ay inta badan hubisay in ay difaac leeyihiin balse qaarkood ma isticmaalaan.

“Carruurta qaarkood waxay rabaan inay helaan dakhli badan [marka ma isticmaalaan]. Qaarkood waxaa lagu qasbay [inaysan isticmaalin],” ayay tiri.

Kulan kale, waxa ay baaraha qarsoon ku hoggaamisay guri ay saddex gabdhood oo yaryar fadhiyeen olka fadhiga, mid kalena kursi goonni ah.

Nyambura ayaa markaa ka baxday qolka, iyadoo siisay baaraha fursad uu keligiis kula hadlo gabdhaha.

Waxay ku tilmaameen in si isdaba joog ah loogu xadgudbayay oo lagula kacayay galmo, maalin kasta.

“Mararka qaar waxaad galmo la samayneysaa dad badan, macaamiishu waxay kugu qasbaan inaad sameyso waxyaabo aan la qiyaasi karin,” ayay tiri mid ka mid ah gabdhaha.

Ma jiraan tirokoob dhowaan laga sameeyay tirada carruurta lagu qasbay inay ka shaqeeyaan ganacsiga galmada ee Kenya. Sannadkii 2012-kii, Warbixinta Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee ku saabsan Dhaqanka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya waxay soo xigatay qiyaasta 30,000, tiradaas oo laga soo qaatay dawladda Kenya iyo ururka aan dowliga ahayn (NGO), Eradicate Child Prostitution ee Kenya.

Daraasado kale ayaa diiradda lagu saaray meelo gaar ah, gaar ahaan xeebaha dalka – oo caan ku ah goobaha loo dalxiis tago. Warbixin 2022 uu soo saaray NGO-ga Global Fund ee joojinta addoonsiga casriga ah ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 2,500 oo caruur ah lagu qasbay shaqo galmo gudaha deegaannada Kilifi iyo Kwale.

Baare labaad oo qarsoodi ah ayaa hantay kalsoonida haweeney isku sheegtay Cheptoo oo kulamo badan la qaadatay.

Waxay sheegtay in iibinta gabdhaha da’da yar ay la macno tahay inay “heli karto nolol maalmeed oo ay ku raaxaysato”.

“Waxaad u fulineysaa ganacsigan oo kale si qarsoodi ah sababtoo ah waa sharci-darro,” ayay tiri.

“Haddii qof yiraahdo waxaan rabaa gabadh yar, waxaan ka codsanayaa inay i siiyaan lacag, sidoo kale waxaan haynaa kuwo joogto ah oo mar walba u soo noqda iyaga.”

Cheptoo ayaa baaraha qarsoon u kaxaysay baar si uu ula kulmo afar ka mid ah gabdhaheeda. Midda ugu yar waxay sheegtay inay ahayd 13 jir. Kuwa kale waxay sheegeen inay ahaayeen 15 jirro.

Waxay ka hadashay faa’iidada ay ka hesho iyaga, iyadoo sheegtay 3,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($23; £17) ay habluhu u keenaan, saamigeedu wuxuu ahaa 2,500 oo shilin ($19; £14).

Kulan kale, guri ku yaal Maai Mahiu, Cheptoo waxay ugu tagtay baaraha qarsoon keligiis iyo labo gabdhood oo aan qaan-gaarin.

Mid ka mid ah ayaa u sheegtay in ay celcelis ahaan galmo la samayso shan nin maalintii.

Mar la weydiiyay waxa ku dhacay haddii ay diiday in ay isticmaasho cinjirka galmada waxa ay sheegtay in aysan haysan wax doorasho ah.

“Waa inaan [galmo ku sameeyaa cinjir la’aan]. Waa la i eryi doonaa, mana haysto meel aan u cararo, waxaan ahay agoon.”

Ka ganacsiga galmada ee Kenya waa duni isku qasan, oo mugdi badan oo rag iyo dumarba ay ku lug leeyihiin fududaynta ka ganacsiga jirka ee carruurta.

Lama oga inta caruur ah ee lagu qasbay shaqada galmada ee Maai Mahiyu, laakiin magaaladan yar oo ay ku nool yihiin 50,000 oo qof way fududdahay in la helo.

Shaqaale hore oo galmo ah, oo loo yaqaannay Bay Girl “Gabadha Ilmaha ah”, ayaa hadda magangalyo ka siisa Maai Mahiu gabdhaha ka baxsaday xadgudubka galmada.

Haweeneydan 61-sano jirka ah waxay ka shaqaynaysay ganacsiga galmada muddo 40 sano ah – markii ugu horreysay waxay isku aragtay waddooyinka horraantii labaatanmeeyadii. Waxay lahayd uur waxayna lahayd saddexdeeda carruur ah oo yaryar ka dib markay ninkeedii ka soo carartay sababo la xiriira rabshad qoys.

Miiskeeda jikada oo alwaax ka sameysan oo yaal iridda hore ee gurigeeda, ayay BBC-da ku bartay afar gabdhood oo da’yar kuwaas oo madams-ka ku nool Maai Mahiu ay carruurnimadii ku qasbeen inay galmo sameeyaan.

Gabadh kastaa waxay la wadaagtay sheekooyin la mid ah qoysaska burburay ama xadgudubka uu ka jiro – waxay u yimaadeen Maai Mahiu si ay u baxsadaan, laakiin si xun ayaa mar kale loogu xadgudbay.

Michelle waxa ay ka warrantay sida iyada oo 12 jir ah ay waalidkeed ku wayday xanuunka HIV oo looga soo saaray waddooyinka halkaas oo ay kula kulantay nin siiyay meel ay ku noolaato isagnoona ku bilaabay fara-xumeyn.

“Runtii waxaan ku qasbanaa inaan lacag ku bixiyo si uu wax ii baro. Waxaan gaaray xadkaygii, laakiin qofna maan helin,” ayay tiri.

Labo sano ka dib, waxaa u timid naag ay caddaatay in ay madam ka tahay Maai Mahiyu oo ku qasabtay inay galmo sameyso.

Lilian, oo hadda 19 jir ah, waxay sidoo kale wayday waalidkeed iyada oo aad u yar. Waxay la joogtay adeerkeed oo ka duubay muuqaal iyada oo qubeysaneysa, sawirradana ka iibiyay asxaabtiisa. Arrintii markiiba waxay isu beddeshay kufsi.

“Taasi waxay ahayd maalintii iigu darnayd, markaas waxaan ahaa 12 jir.”

Markii ay baxsatay, waxaa mar kale kufsaday darawal baabuur oo u kaxeeyay Maai Mahiyu. Waxay ahayd halkan, meesha Michelle ay ugu timid haweeney ku qasabtay shaqada galmada.

Gabdhahan da’da yar waxaa cimrigooda la dedejiyay sabab u ahaa tacaddiyo, dayacaad iyo xadgudubyo.

Hadda, oo ay la joogaan Baby Girl, waxay baranayaan xirfado cusub – labo waxay ku jiraan istuudiyo sawir-qaadis iyo labo goob qurxinta ah.

Waxaa kale oo ay ka caawiyaan Baby Girl shaqadeeda wacyigelinta bulshada dhexdeeda.

Ismaamulka Nakuru ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee uu ka jiro caabuqa HIV ee dalka Kenya, waxaana Baby Girl oo ay taageerto hay’adda USAID ee Maraykanka u qaabilsan dhanka gargaarka ay waddaa dadaal ay dadka uga wacyigelinayso halista ka dhalan karta galmada aan laga taxadarin.

Waxay xafiis ku leedahay Xarunta Caafimaadka Bulshada ee Karagita, oo u dhow Harada Naivasha, halkaas oo ay ka shaqeyso bixinta cinjirrada iyo talooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kaga joojiyay maalgelinta USAID, barnaamijyadeeda wacyigelinta ayaa ku dhow inay istaagaan.

Tan oo qeyb ka ah shaqadeeda, Baby Girl ayaa cinjir ku qeybisa waddooyinka u dhow Lake Naivasha ee deegaanka Nakuru

“Laga bilaabo Sebtembar waxaan noqon doonaa shaqo la’aan,” ayay u sheegtay BBC World Service, iyadoo intaa ku dartay sida ay uga walaacsan tahay haweenka iyo gabdhaha da’da yar ee iyada ku tiirsan.

“Waxaad arkaysaa sida ay u nugul yihiin carruurtan. Sidee bay u noolaan lahaayeen iyaga? weli way bogsanayaan.”

Dowladda Mareykanka kama aysan jawaabin faallooyinka baaritaankan ee ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto dhimista maaliyaddeeda. USAID waxay si rasmi ah howlaheedii dalka u joojisay bishii hore.

Hadda, Lilian waxay diiradda saartaa barashada sawir-qaadista iyo ka soo kabashada xadgudubka.

“Mar dambe ma cabsanayo, sababtoo ah “Baby Girl” ayaa ii joogta,” ayay tiri. “Waxay naga caawinaysaa aasidda wixii tegay