Home Caalamka Mucjisada lagu arkay ilmo ku dhex jira caloosha hooyo xaamilo ah

Mucjisada lagu arkay ilmo ku dhex jira caloosha hooyo xaamilo ah

Dhowaan ayay ahayd , markii haweeney xaamilo ah oo aaday isbitaal dowladeed oo ku yaala Hindiya si ay u marto tijaabada Kombiyuutarka Uur-kujirta ee ultrasound, dhakhaatiirtu ay ku arkeen Ilmaha ku jira caloosha haweenayda. Laakiin mucjisada la arkay ayaa ah wax u eg ilmo kale oo ku sii dhex jira caloosha ilmaha ay uurka ku sido.

Haweenaydan oo kasoo jeeda degmada Buldhana ee dalka Hindiya oo u aaday isbitaalka si xaaladeeda ula socoto ayaa dhakhaatiirta inta baaritaanka ay ku wadeen ku ogaadeen inuu ku dhexjiro ilmo kale oo aad u yar.

Waaxda caafimaadka Buldhana ayaa u sheegay BBC caafimaadka jireed ee haweenayda in uu yahay caadi ayna gabi ahaan caafimaad qabto.

Dhacdadan, waalidka ayaa sheegay in gabadha ay ooyi jirtay in ka badan oohinta caadiga wixii ka dambeeyay bil kadib dhalashadeeda.

Waxaa ay bilowday caloosheeda in ay bararto, waxaana ay qaadatay wakhti dheer si loo ogaado cudurka.

Ugu dambeyn, dhakhtar qalliinka caruurta oo ka howlgala isbitaalka Sheekh Sayid Hospital ee Rahim Yar Khan ayaa ku sameeyay baaritaanka kombiyuutarka ultrasound, waxaana uu ku ogaaday inay jirto buro iyo kiish biya ah, laakiin intii lagu guda jiray qalliinka waxaa lagu ogaaday ilmo ku jira caloosha iyada oo ay kusii darsan tahay kiishka biyaha

Haweeneydan xaamilada ah ee 32 jirka waxaa ay u aaday isbitaalka baaritaan caafimaad iyo sawirka ultrasound markii uurkeedu ahaa sideed bilood. Markii shaqaalaha caafimaadka ku sameeyeen Iskaan, waxa ay dareemeen wax aan caadi ahayn inuu jiro oo ku dhex jira ilmaheeda gudihiisa.

ka dib, waxaa mar kale lagu sameeyay baaritaanka qalabka Songrafi iyada oo ay goobjoog yihiin koox dhakhaatiir iyo kuwo takhasuska gaarka, waxaana si muuqata loo arkayay uur-kujirto caloosha ilmaha.

Bhagwat Bhosari, oo dhakhtar qalliimada oo ka howlgala isbitaalka dowlada ayaa faahfaahin ka siiyay dhacdadan BBC Marathi.

Dr. Bhosari ayaa sheegay haddii aan doonayno qeexitaanka wixii laga helay tijaabada Songrafi, ereyada ugu fudud in aan dhihi karno, ilmaha ku jira makaanka haweeneyda uu ilmo kale ku sido minka.

Si kastaba ha ahaatee, markii caafimaad ahaan loo hadlayo, looguma yeeri karo ilmo, maxaa yeelay waa sida wax u eg kubbad ama buro hilib ah oo aan nooleyn, mana leh wax calaamad nolaansho ah.

“Buradan waa ay koraysaa iyada oo ay sabab u tahay qulqulka dhiiga, taasi shuraadaha caafimaadka loogu yeero ‘Baruur ku dhex jirta Baruur’ waxaana tani ay dhacda marar aad naadir u ah.

Waxaa xusid mudan in dhacdadan ay tahay tii ugu horeysay ee ka dhacda degmada Buldhana

Caafimaad ahaan marka loo hadlayo, ilmo sheey oo kale ah marka laga helo minka haweenayda uurka leh, waxaa loogu yeeraa ‘uurjiifta ku jirta uurjiifta’; laakiin sida ilmaha ma weynaanayso ama korayso.

Sida daraasad lagu daabacay mareegta rasmiga National Library of Medicine, ‘uurjiifta ku jirta uurjiifta’ waa ku dhalasho xaalad naadir ah. Uurjiifta aan dhamaystirnayn ayaa ku sameysanta jirka ilmaha.

Uurjiifta waxaa ay badanaa usoo muuqataa sida buro oo kale xiliga lagu guda jiro heerka koriinka ee uu sameynayo ilmo galeenka, laakiin waxaa ay u kortaa si ka duwan sida uu ilmuhu u koro.

“Laakiin uurjiiftaan ma kori karto dhibaatooyin darteed, waxaana ay u gudbaysaa ilmaha kale, laakiin wax laga welwelo ma leh”.

Marka cunugu dhasho, waxaa la sameeyaa qalliin si loo soo saaro burada ku jirta minka,” ayay tiri dhakhtarka haweenka Dr. Nadita Palshetkar.

Dr. Manju ayaa xaaladan ku tilmaamaya, dhallaanka inay calooshiisa ku jirto sheey kubbad camal ah oo ka kooban unugyada cunuga sida timaha, ilkaha iyo indhaha. Si kastaba ha ahaatee uma korayso sida ilmaha, waxaana si fudud loogu saari karaa qalliinka, iyada oo aan khatar ku ahayn.

‘Uurjiifta ku jirta uurjiifta’ waa mid naadir ku dhacda, waxaana laga helaa hal, 500,000 oo ilmo marka ay dhashaan kadib.

Daraasada lagu daabacay mareegta National Library of Medicine ayaa sidoo kale tilmaamaysa wax ka yar 200 oo kiis oo dhimasha ah laga soo sheegay caalamka oo dhan

Xaaladda ‘uurjiifka ku jira uurjiifka’, qalliin ayaa loo baahan yahay si loo daweeyo, ilmuhuna wuu soo kabsadaa ka dib marka uurjiifta caloosha laga saaro.

Sida ay sheegtay Dr. Nandita Palshetkar, xaaladda uurjiifka ee uurka ku jira waxaa lagu ogaan karaa sheybaarka Sonography.

“Haddii Haweeney xaamilo ah ay ilmo uurka ku hayso, waxaa badanaa lagu arki karaa sonogram ka dib 14 toddobaad, haddii ilmuhu qabo calool xanuun dhalmada ka dib, bilaabo inuu dibiro, haddii ay leeyihiin lallabbo ama matag, waxay noqon kartaa murugo.”

Baaritaan dhakhtar oo ilmaha lagu sameeyo ayaa sahlaysa in la ogaado xaalada noocaas oo kale ah.

Waxa ay tahay in la xasuusto ma aha kiiskii ugu horeeyay ee laga arko Hindiya.

Bishii April 2023, cunug 14 maalmood jira ayaa lagu qalay isbitaalka Sir Sunderlal ee Jaamacada Banaras Hindu. Saddex uurjiif ayaa laga saaray caloosha cunuga.

Ilmuhu wuxuu lahaa calool xanuun, cagaarshow, iyo neefsashada oo ku adkaatay ilaa dhalashadiisa. Ka dib markii la dhigay isbitaalka, waxaa lagu baaray Sonography, CT scan, iyo baaritaanno kale. Waxaa markaas caddaatay in ay tahay xaalad uurjiifka ku jira.

Sannadkii 2022, uurjiif kale ayaa lagu arkay iyada oo koritaan ku dhex sameynaysa caloosha ilmo 40-maalmood jira oo ku nool Motihari, Bihar.

Waalidka dhalay ilmahan yar ayaa u keenay cusbitaalka, sababta oo ah calooshiisa ayaa barartay, isla markaana uu awoodi waayay inuu si fiican u kaadiyo. Markii ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen iskaanka CT-ga, waxaa caddaatay in canuga uu caloosha ugu jirto uurjiif.

Meelaha kale ee kiisaska noocaasi laga soo sheegay ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Kolkata, oo Oktoobar 2024 laga soo wariyay kiis noocaan ah. Waxa la ogaaday in ilmo yar oo saddex maalmood jiray uu siday mataano uurjiif ah. waxaana lagu sameeyay qaliin si looga soo saaro, laakiin nasiib daro, cunugu waa geeriyooday maalintii xigtay.

error: Content is protected !!