Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi ayaa ka digay in dalkiisa uusan ogolaan doonin biyo xireenka Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi ayaa ka digay in dalkiisa uusan ogolaan doonin biyo xireenka Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi ayaa ka digay in dalkiisa uusan ogolaan doonin in qaybtooda wabiga Nile ay saamayn ku yeelato biyo xireenka Itoobiya.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la qaatay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo uu dalkiisu kamid yahay dalalka Nile sare, iyaga oo ku kulmay qasriga Al-Ittihadiya ee Qaahir, Talaadadii, Agoosto 6, 2017.

“Waxaa doonaynaa in aan u xaqiijiyo shacabka reer Masar in aysan waligeed ogolaan doonin in ay saamayso nolosha 105 milyan oo muwaadiniin ah iyo 10 milyan oo ajaanib ah oo ku sugan dalkeena” ayuu yiri madaxweyne al-Sisi.

Al-Sisi ayaa si xooggan u cambaareeyay dhismaha biyo xireenka GERD iyo buuxinta biyaha ee shanta ee samaysmay tan iyo bilaabitaankii, waxaana uu sidoo kale ka sheegay qoraalka wadajirka in dalkiisa uu diidayo talaabo kasta oo hal dhinac uu ka qaado Nile.

“Qof walba oo u maleeya Masar inay ka jeesanayso goodin ammaanka biyaheeda waa ay khaldantahay. Waynu sii wadaynaa in aynu la socono xaalada; waxaynu qaadaynaa cadaadis kasta oo aynu ku difaacayno ilaha dadkeena, sida uu qabo sharciga caalamiga ah, ” Al sisi ayaa ka digay.