Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ka dhanka ah qorshe lagu doonayo in gobolka Gedo looga dhiso maamul goboleed cusub oo leh magac iyo calan gaar ah, caasimadna looga dhigo magaalada Garbahaarey.
Warar ka soo baxaya ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay saraakiisha arrinkan gacanta ku haya ku amartay in maamulka cusub loo sameeyo magaca Jubaland State, halkii uu noqon lahaa maamul goboleed gooni uga madaxbannaan Kismaayo.
Masuuliyiin dowladda ka tirsan ayaa ku dooday in dhismaha maamul cusub uu sababi karo caqabado siyaasadeed oo mustaqbalka adag ka dhigaya in Gedo dib loogu daro Jubaland, isla markaana uu dhiirrigelin karo in gobollo kale ay ku daydaan oo ay dhistaan maamullo gooni ah, taas oo keeni karta kala firdhad iyo khilaaf hor leh.
Dhanka kale, wararka ka imanaya gudaha gobolka Gedo ayaa tilmaamaya in qayb ballaaran oo ka mid ah bulshada deegaanka ay taageersan yihiin in loo sameeyo maamul gaar ah oo leh astaamo u gaar ah, iyaga oo ku doodaya in taasi ka madax bannaanayn doonto maamulka fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.



