Kayse Jaamac Boordaan oo Cafis Weydiistay Ummadda Soomaaliyeed

Kayse Jaamac Boordaan oo Cafis Weydiistay Ummadda Soomaaliyeed

Kayse Jaamac Boordaan, oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu ka toobad keenay hadaladii naxliga iyo xanafta lahaa ee uu hore uga jeedin jiray baraha bulshada.

Kayse, oo muuqaal toos ah ku baahiyey fariintiisa, ayaa sheegay in uu cafis guud weydiisanayo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isagoo codsaday in qof kasta uu u duceeyo. Waxa uu tilmaamay in qalbigiisa ay ka buuxaan qoomamo iyo ka shallaay, isla markaana uu rajo weyn ka qabo in dadka uu hadal ahaan ku dhaawacay ay ka saamaxaan.
Sababta ugu weyn ee hadalkiisa ayaa la xiriirta xaalad caafimaad oo ku soo korortay. Kayse ayaa sheegay in muddooyinkan uu la tacaalayay xanuun dhanka caloosha ah, kaas oo haatan baaritaan caafimaad lagu wado. Wuxuu ka dhawaajiyey in xanuunkaasi uu ku abuuray werwer iyo cabsi ah in uu sababi karo xaalad khatar gelisa noloshiisa.
“Qof kasta waa dhimanayaa, ee iga saamaxa oo iigu duceeya in Alle iga kor qaado xanuunkan,” ayuu yidhi Kayse, isagoo muuqaalkiisa ka muuqday cabsida Eebbe iyo dareen murugo leh.

Dhamaadka hadalkiisa, Kayse ayaa ku celceliyey in uu rajeynayo in bulshada Soomaaliyeed ay u duceeyaan, isla markaana cafis uga muujiyaan wixii qalad ah ee uu hore u sameeyey