Geerida gabar yar oo hal bil jir ahayd oo gudaha dalka Gambia loogu sameeyay gudniinka fircooniga ah, ayaa waxaa ka dhashay caro ballaaran.
Ilmaha yar ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Banjul, kaddib markii ay si xun u dhiig-baxday, balse markii goobta la geeyay ayaa la sheegay inay geeriyootay, sida ay booliisku sheegeen.
In kasta oo weli la baarayo meydkeeda si loo ogaado sababta dhimashadeeda, dad badan ayaa la xiriiriyay gudniinka Fircooniga ah, ama gudniinka dheddigga, oo ah caado-dhaqameed mamnuuc ka ah gobolka Galbeedka Afrika.
“Dhaqanku marmarsiiyo ma leh, dhaqanku gaashaan ma aha, tani waa rabshad, cad ah oo aan geed loogu soo gabban,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’ad aan dawli ahayn oo hormuud ka ah ololaha ka dhanka ah caadadan, laguna magacaabo Women In Leadership and Liberation (WILL).
Xildhibaanka laga soo doorto Waqooyiga Degmada Kombo oo ay dhacdadani ka dhacday ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in carruurta laga ilaaliyo dhaqamada xun xun ee saameynaya caafimaadkooda, sharaftooda iyo noloshooda.
“Waa in aan la illoobin dhimashada ilmahan aan waxba galabsan. Ha u ahaato isbeddel iyo waqti umaddeennu ay dib u cusboonaysiinayso ballan-qaadkeeda hagar la’aanta ah ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda nolosha, badbaadada iyo sharafta ilmo kasta,” ayuu yiri Abdoulie Ceesay.
Gudniinka Fircooniga ah waa jarista ula kaca ah ama goynta xubinta taranka ee haweenka ee qeybta dibadda.
Sababaha ugu badan ee la sheegay in loo fuliyo waxaa ka mid ah aqbalaadda bulshada, caqiiddada diimaha, fikradaha khaldan ee nadaafadda, habka lagu ilaalinayo bikradnimada gabadha ama haweeneyda, ka dhigista “mid la guursan karo”, iyo kor u qaadidda raaxada galmada ee ragga.
Gambia ayaa ka mid ah 10-ka waddan ee ugu badan ee uu ka dhaco gudniinka Fircooniga ah, iyadoo 73% haweenka iyo gabdhaha da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir lagu sameeyay hab-dhaqanka gudniinka, iyadoo qaar badan oo ka mid ahina ay sameeyeen ka hor inta aysan gaarin lix sano
Aasaasaha WILL Fatou Baldeh ayaa BBC-da u sheegtay in ay kordheen hababka gudniinka Fircooniga ah ee lagu sameeyo dhallaanka dalka Gambia.
“Waaliddiinta ayaa dareema in haddii ay gabdhahooda gudaan marka ay dhalaan, ay si dhaqso ah u bogsanayaan, laakiin sidoo kale, sharciga dartiis, waxay dareemayaan in haddii ay sameeyaan marka ay gabadhu da’ yar tahay, ay aad u fududdahay in la qariyo, si dadku aysan u ogaan,” ayay tiri.
Gudniinka Fircooniga ah ayaa laga mamnuucay Gambia tan iyo sannadkii 2015-kii, iyadoo lagu xukumay ganaaxyo iyo xarig ilaa saddex sano ah dambiileyaasha, iyo haddii ay gabadhu u dhimato gudniinkaas.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray labo dacwad oo kaliya iyo hal xukun, sanadkii 2023.
Koox awood bada oo u ololeysa joojinta gudniinka ayaa soo baxday oo dalbanaysa in la baabi’iyo gudniinka Fircooniga ah, laakiin sharciga la doonayo in lagu tirtiro mamnuucista ayaa baarlamaanka u codeeyay sanadkii hore.
Gudniinka Fircooniga ah ayaa mamnuuc ka ah in ka badan 70 waddan oo caalamka ah balse weli waa lagu dhaqmaa gaar ahaan dalalka Afrika ee Muslimiinta u badan, sida Gambia.