Cape Town, South Africa — Warar soo gaaray warbaahinta ayaa xaqiijinaya in Dr. Jaamac Ildab, Agaasimihii hore ee Isbitaalka Guud ee Qardho, lagu qabtay magaalada Cape Town xilli uu kasoo dagay diyaarad, islamarkaana uu doonayay inuu u sii jeesto safar dhinaca Brazil ah.
Saraakiil ka tirsan dowladda South Africa ayaa sheegay in Dr. Jaamac lagu eedaynayo inuu muqaallo anshax-darro ah ka duubay tiro gabdho badan oo ku nool magaalada Qardho, taas oo keentay baadhis dhinaca sharciga ah. oo boolisku qaaday
Ilo-wareedyo gudaha ah ayaa sheegaya in la filayo in loo soo duuliyo magaalada Garoowe, caasimadda Puntland, si loo horgeeyo maxkamad, iyadoo ay socdaan diyaargarowga soo-celintiisa.



