Nin Talyaani ah oo 48 jir ah ayaa si naxdin leh ugu geeriyooday kaymaha dalka Romania, kaddib markii uu isku dayay inuu sawir (selfie ah la galo diiib duurjoog ah, halkaas oo xayawaankaasi uu si degdeg ah ugu weeraray, uguna dilay.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Omar Farang Zin, ayaa la sheegay inuu mooto ku wadanayey jidka Transfăgărășan oo ah mid ka mid ah jidadka ugu quruxda badan Yurub —
isagoo marayay kaymaha buuraha Carpathians ee bartamaha Romania. Goobta uu ku sugnaa ayaa si cad u lahayd calaamado digniin ah oo uga digaya dadka inaysan la dhaqmin xayawaanka duurjoogta ah, gaar ahaan diibka
Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ka degay mootadiisa si uu sawir iyo muuqaal ula galo, iyadoo la sheegay inuu isku dayay inuu cunto siiyo laakin cuntadi lama cunin ee isagii ayaa cunto ahaan loo qaatay waxana lala galay kaynta
Waaxda gurmadka degdegga ah ee Romania ayaa gaaray goobta dhacdada kaddib markii dad marayay halkaas ay arkeen waxyaabo muujinaya rafaadkii dhex maray
.markii dame Waxa ay heleen maydka ninka oo dhaawacyo culus ka muuqdeen iyo moobaylkiisii oo laga helay sawirradii iyo muuqaaladii ugu dambeeyay ee uu la galay xayawaankaas.
Mas’uuliyiinta Romania ayaa mar kale ku celiyay baaqooda ku aaddan in aan la dhaqmin xayawaanka duurjoogta ah, loona hoggaansamo tilmaamaha iyo digniinaha goobaha dalxiiska.
Waxay sheegeen in dhacdadani ay tahay tusaale xanuun badan oo muujinaya halista ka dhalan karta is dhexgalka aan xadidnayn ee u dhexeeya dadka iyo duurjoogta.
Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, iyadoo dad badan ay muujinayaan murugo iyo dareen ka dhan ah khatarta ay wajahayaan



